Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo dhaariyay xubin buuxinaysa jago ka bannaanaatay golaha Guurtida.

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda JSL, oo dhaariyay xubin buuxinaysa jago ka bannaanaatay golaha Guurtida.

Dhaarin1-1024x683.jpg

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Aadam X. Cali Axmed, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 24/07/2021, dhaariyay Mustafe Maxamed X. Daahir Cabdi, oo laga bilaabo maanta ka mid noqonaya mudanayaasha golaha Guurtida JSL.
Xubinta la dhaariyay ayaa buuxisay, jago uu dhawaan banneeyay, mudane Cabdirashiid Xaashi Cabdi Shiil, taasi oo golaha Guurtidu ay maxkamadda sare u soo gudbiyeen, codsi ay ku dalbanayaan in xilkaasi loo dhaariyo, Mustafe Maxamed X. Daahir Cabdi.
Dhaarinta ka dib guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali, waxa uu kula dardaarmay mudanaha in uu qaranka ugu adeego, si daacad ah oo hufan, waxaanu ALLE uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee loo igmaday.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this