Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Gedo oo soo saaray baaq deg-deg ah iyo xiisad xooggan oo taagan

Recommended Posts

Deeq A.   

Garbahaarey (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Gedo, Axmed Buule Gareed oo maanta warbaahinta kula hadlayey degmada Garbahaarey ayaa soo saaray baaq deg-deg ah oo uu ku dalbanayo in la joojiyo dagaal xoogan oo ka dhashay xiisad u dhaxeysay labo beelood.

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya degaanka Bohol-Garas inay si deg-deg ah u joojiyaan dagaalka, ayna ku xaliyaan xiisada ka dhaxeysay miiska wada-hadalka si xal kama dambeys ah looga gaaro dagaalkaas.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in dagaalka ay dad ku dhintaan maahine uusan waxba soo kordhineyn, wuxuuna ugu baaqay odayaasha dhaqanka degmada Doolow inay u kala dab-qaadan oo kala dhex-galaan dhinacyada dagaalamaya.

Hadalka Guddoomiyaha ayaa imanaya ayada oo saacadihii la soo dhaafay uu dagaal Beeleed ka dhacay degaanka Bohol-Garas oo hoostaga degmada Doolow.

Si kastaba, waxaa xiligan degan xaalada guud ee deegaanka Bohol-Garas ee degmada Doolow oo uu ka dhacay dagaalka u dhaxeeya labada beelood, hase yeeshe waxaa walaac laga muujinaya in mar labaad uu dib u istaadhmo, maadama ay weli taagan tahay xiisada u dhaxeysay beelahaas.

The post Guddoomiyaha Gedo oo soo saaray baaq deg-deg ah iyo xiisad xooggan oo taagan appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this