Deeq A. Posted June 9, 2021 W/Q CALI MAXAMED BIIXI Hadii aad ciyaartoy meel ku xareyso muddo sanad ah oo aad ciyaaraha dunida oo dhan aad wada daawiso (Brazil-Germany- Itali- Spain- Holland-England) iyo qaar kale oo badan oo ay qeybaan ciyaar kasta iyo xarfadii oo dhan. Oo aad sanad Kabacdi tidhaahdo waxaad la ciyaaraysaan Team-kii Brazil ee dhabta ahaa. Sidee Bay ula ciyaari doonaan? Wax mayska celin doonaan? Jawaabtu: waa maya ee Brazil sida caruurta oo kale ayay ugu ciyaari doontaa, 20 goal-na way ka dhalin doontaa. Iyo wax ka badanba. Waayo? Fulintu waxay u baahan tahay ,tababar fara badan . Iyaguna wax tababar ah may soo qaadan. Hadaba dimuqraadiyadu waxay u baahan tahay halgan iyo tababar umadeed oo muddo dheer soo qaata iyo bisayl umadeed oo siyaasadeed. Maaha magac iyo shicaar iyo mabaaddii aanad u bislayn oo aanad dhaqankeedii lahayn. Hadaba umadeenu well uma bisla, mana fahansana dimuqraadiyadu waxa ay tahay, dhaqankeediina ma laha . Dimuqraadiyadu guriga iyo qoyska iyo bulshada dhexdeeda ayay ka soo unkantaa oo ka soo bilaabantaa . Markaa barasho iyo tababar iyo halgan iyo waayo aragni iyo baahi loo qabo ayay dimuqraadiyadu u baahan tahay oo lagu gaadhaa. Cali Maxamed Biixi Caliwwelli@hotmail.co.uk Qaran News Share this post Link to post Share on other sites