Sign in to follow this  
Deeq A.

Mashruuc lagu ballaarinayo garoonka Boosaaso oo la daahfuray

Recommended Posts

Deeq A.   
20210609_222514.jpg?resize=720%2C384&ssl


Magaalada Boosaaso ayaa maanta laga daahfuray wejiga labaad ee dhismaha garoonka diyaaradah Boosaaso.

Daahfurka mashruuca waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan Puntland, kuwo ka socotay shirkadda dhisaysa garoonka iyo qeybo kamid ah bulshada Boosaaso.

Mashruucan oo ay fulinayso shirkad lagu magaaco TISL oo hoostagta CCECC ayaa la sheegay in qeybtiisa 1-aad lagu qaban doono shaqooyinka kala ah.

1. Ballaadhinta dhabada diyaaradaha waxa lagu daridoonaa inta dhisan 800m.

2. Dhismaha wado laami ah oo laba haad ah, taasi oo Garoonka Diyaaradaha Boosaaso ku xirta magaalada 1.7 km².

3. Dhismaha baarkinka gawaarida (Car Parking) oo cabirkiisu dhan yahay 300×250m² oo laba jibaaran (Square).

4. Dhismaha Dayrka Garoonka oo silig adag ah (Fencing Airport) cabirkiisuna dhan yahay 9×4km

5. Dhismaha xarunta Dab-damiska (Fire House Building)

6. Dhismaha Baarkinka Diyaaradaha

7.Dhismaha qaybta Xamuulka (Cargo Terminal)

8. Dayactirka Terminaalka (Terminal renovation)

9. Nalaynta Garoonka si heer caalami ah (Airports lighting)

9. Dhiraynta iyo qurxinta Garoonka diyaaradaha Boosaaso (Planting and organizing).

Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa ka warbixiyay mashruuca lagu hormarinayo garoonka Boosaaso.

PUNTLAND POST



The post Mashruuc lagu ballaarinayo garoonka Boosaaso oo la daahfuray appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this