Sign in to follow this  
Deeq A.

 Wax ka ogow sirta la helay oo ah inaan maalqabeennada Adduunku aysan bixin canshuurta ku waajibtay

Recommended Posts

Deeq A.   

 Wax ka ogow sirta la helay oo ah inaan maalqabeennada Adduunku aysan bixin canshuurta ku waajibtay

Jeff Bezos, Warren Buffett iyo Elon Musk
Jeff Bezos, Warren Buffett iyo Elon Musk

Macluumaad lagu sheegay in ay muujinayaan xaddiga yar ee ah cashuurta dakhliga ah ee ay bixiyaan maalqabeenada Maraynka ayey si sir ah ku heleen bogag caalami ah oo wararka baahiya.

ProPublica ayaa sheegay in uu helay dokumentiyada cashuur bixinta ee qaar ka mid ah dadka ugu hodansan dunida oo ay ku jiraan Jeff Bezos, Elon Musk iyo Warren Buffett.

Website-ku wuxuu sheegay in Bezos oo iska leh Amazon aanu bixinin cashuur, sannadkii 2007 iyo 2011, halka Musk oo leh Tesla, isna aanu waxba bixin sannadkii 2018.

 

ProPublica waxuu sheegay in uu helay waxa uu ku tilmaamay “xog baaxad leh oo ku saabsan waaxda dakhliga gudaha” oo ku saabsan cashuurt laga qaado hantiileyaasa oo uu macluumaadkaas faafin doono todobaadada soo socda gudahooda.

In kasta oo BBC-da aanay xaqiijin karin arintaas, haddana sirtaa la sheegay in la helay waxay ku soo beegmaysaa wakhti ay isa soo tarayso doodda ka taagan xaddiga cashuurta ay bixinayaan dadka hantida leh iyo kuwa aan ahayn fakhriga ee dakhligooda uu sii kordhayo.

ProPublica wuxuu sheegay in 25 qof oo ugu hodansan Maraykanku ay bixiyaan cashuur yar oo celiclis ahaan ah 15.8% marka la eego hantidooda taas oo ka yar inta ay bixiyaan dadka shaqeeya ee Maraykanka.

Jesse Eisinger oo ah weriye sare iyo tifaftire ka tirsa ProPublica ayaa u sheegay barnaamijka Today: “Aad baanu u yaabnaa in aanad wax cashuur ah ba bixinayn hadii aad tahay bilyaneer. Run ahaantii in aanad wax cashuura bixin dhulkay ina dhigaysaa. Dadka aadka u taajirka ahi sharciga way ka talaabsan karaan gabigiisaba”.

“Waxay awood xad dhaafa u leeyihiin in ay helaan cahsuur dhimid oo ay ka faa’iidaystaan dol daloollo ka jira sharciga,” ayuu ydhi.

Wuxuu sheegay in dadka hantida leh ee Maraykanka ay guriyo hanti ah iibsadaan, qaar dhistaan ama ay dhaxlaan lacag badan, ka dibna hantida ay haystaan lacago kale ku amaahan karaan.

“Sababta oo ah ma garawsadaan in ay macaashka ama iibka saamiyada wax ku helaan – wax dakhli ah ma helaan oo la cashuuri karo.”

“Banki bay wax ka amaahdaan oo dul saar ayaa la saaraa ka dibna taas ayay faa’iido badan ka helaan oo waxay dulsaarkaana ku helaan cashuur dhaaf”, ayuu yidhi.

Qorshaha Biden

Bogga daabacay warbixinta wuxuu sheegay in “adeegsiga istaraatijiyadda sharci ee cashuurta, in qaar badan oo dadka hantida badan lihi ay soo yarayn karaan cashuurta heer federaal, oo aad u yarayn karaan ba,” xataa hadii hantidooda cirka isku shareertay sanadihii u dambeeyey.

Hantiileyaasu sida muwaadiniin badan oo caadiya oo kale ayay u awoodaan in ay dhimaan kharashka kaga baxa cashuurta iyaga oo adeegsanaya ururada khayriga ah ama lacag ka helaya maalgashi oo aan dakhligoodu ahayn ama mushahar ahayn.

ProPublica wuxuu adeegsaday xog uu hayey waregyska Forbes waxaanu sheegay in hantida 25 qof ee ugu taajirsan Maraykanka ay wadar ahaan korodhay 401 bilyan oo doolar, intii u dhaxasay 2014 ilaa 2018, laakiin ay bixiyeen 13.6 bilyan oo cashuur ah sanadahaas.

Madaxweyne Joe Biden ayaa wacad ku maray inuu kordhin doono cashuurta dakhliga ee dadka hodanka ah oo qayb ka ha qorshihiisa uu ku hagaajinayo isku dheeli tirnaanta iyo lacagaha badan ee lagu bixinayo barnaamijkiisa dhismaha kaabeyeesha dhaqaalaha.

Joe Biden
Joe Biden

Wuxuu doonayaa inuu kordhiyo cashuurta dakhilga ee dadka dhaqaalaha badan uu soo galo oo uu laba-lababo cashuurta dhakhiga kuwa hatida badan ay ka helaan maalgashiga iyo dhaxalka.

Balse ProPulica lafagurka uu sameeyey waxa lagu soo gabogabeeyey: “In kasta oo ay dadka Maraykanka ah ee hantida leh, sida maareeyeyaasha shirkadaha, ay bixin doonaan cashuur badan, sida uu dhigayo shuruucda maamulka Biden uu soo jeediyay. Haddana inta badan canshuurta 25 ta qof ee ugu hantida badan aanay waxba iska bedeli doonin”.

Dadka hantida leh ee lagu magac ***** waa ninka samafalka lacagta ku bixya ee Geroge Soros, oo sidoo kale lagu eedeeyey inuu cashuur yar bixiyey.

Xafiiskiisa ayaan jawaab ka siinin BBC, mar ay codsatay in ay su’aalo waydiisayo, laakiin warbixin uu u diray ProPublica ayuu ku sheegay in Soros aan wax cashuur ah lagu lahayn sababtuna tahay maalgashigiisii oo khasaaray.

Warbixinta waxay sidoo kale sheegtay in muddo dheer uu taageersanaa in cashuur badan ay bixiyaan dadka ugu hantida badan Maraykanka.

‘Sharci darro’

Sida ay wararka Maraykanku tibaaxayaan, Micheal Bloomberg oo ahaa duqii hore ee New York, oo dokumentiyada sirta ah ee la helay ay ka mid ahaayeen kuwii uu cashuurta ku bixiyey, ayaa sheegay in arintaas ay dhalisay walaac laga qabo dhawrsanaanta sirta shakhsiga ah oo uu “sharciga la tiigsan doono” si loo ogaado ciddii bixisay.

ProPublica oo ah website baadhitaannada ka shaqeeyay ayaa baahiyey maqaalo dhawr ah oo ku saabsan sida hoos u dhaca miisaaniyadeed ee dakhliga gudaha Maraykanka u ragaadisay awoodda dhaqan gelinta sharciyada cashuuraha ee ah in la canshuuro dadka hodanka ah iyo shrikadaha waaweyn.

Warbaahinta ayaa sheegtay in ay heleen dokumentiyo sir ah oo warbixinnadan falcelin u ah.

Af-hayeenka Aqalka Cad, Jen Psaki, ayaa sheegtay in “baahinta dukumentiyo dawladeed oo sir ah oo aanu qofku fasax u haysani” ay tahay sharci darro.

 

Wasaaradda maaliyada af-hayeen u hadashay, Lily Adams, ayaa iyadna warbixin ay email-ka ugu dirtay Reuters ku sheegtay in arrintaa haatan loo gudbiyey FBI iyo xeer ilaalinta heer federaal iyo laba wakaaladood oo korka kala socda maaliyadda oo “dhamaantood leh awood madax banaan oo baadhitaan”.

Madaxa waaxda cashuuraha gudaha ee Maraykanka, Charles Retting, ayaa yidhi: “Kama hadli karo wax ku saabsan cashuur bixiye gaar ah.”

“Waxaan se sheegi karaa in ay socdaan baadhitaano ku saabsan eedahan soo baxay ee ah halka laga helay xogta ku qoran maqaaladan la shaaciyey iyo waaxda laga helay”.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this