Sign in to follow this  
Deeq A.

Garoon Casri Ah Oo Laga Dhisayo Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Jabuuti)-Dolwadda Jabuuti ayaa dhisanaysa garoon diyaaradeed oo ka mid noqon doona kuwa ugu casrisan uguna waaweyn geeska Afrika, kaas oo loogu magac daray madaxweynihii hore ee dalka Jabuuti, Allaha u naxariistee Xasan Guuleed Abtidoon.

Marka laga soo tago in gooroonka uu noqon doona mid fududeeya adeegyo badan oo dhanka gobalka ah, isla markaana uu soo kordhiyo bilic wanaagsan, haddana waxaa la rajeynayaa inuu qayb weyn ka qaato shaqo abuurka dhalinyarada reer Jabuuti xilli ay dalka ka jirto shaqo la’aan baahansan oo haysta da’yarta.

Dolwadda Faransiiska ayaa fulinaysa dhismaha garoonkan, iyadoo labada madaxweyne ee Macron iyo Geelle ay dhawaan ka wadahadleen mashruucaan lagu dhisyo gegidaan diyaaradaha.

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo booqosho ku tagay dhawaan dalka Faransiiska, ayaa halkaa kula kulmay dhigiisa dalkaas Emmanuel Macron, waxayna labada madaxweyne ka wadahadleen arrimo uu ka mid yahay dhismaha garoonkan oo dowladda Faransiiska ay ka caawineyso Jabuuti dhaqaalaha lagu dhisayo.

Danjiraha dowladda Faransiiska u fadhiya Jabuuti, Arnaud Guillo, ayaa sheegay in tallaabadan loogu dhisayo Jabuuti garoonka cusub ay tahay mid weyn oo u furaysa waji cusub oo xiriirka ka dhaxeeya labada dal ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this