Sign in to follow this  
Deeq A.

Jabuuti oo DFS iyo Somaliland ka wada qeyb gelinaysa caleemo-saarka Ismaaciil Cumar Geelle

Recommended Posts

Deeq A.   
PhotoCollage_20210514_171806177.jpg?resi

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Jabuuti, halkaas oo uu uga qeyb gelayo caleemo-saarka Ismaaciil Cumar Geelle.

Bayaan kooban oo ka soo baxay xafiiska Rooble ayaa lagu yiri “Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Jabuuti oo uu uga qayb gelayo caleemo-saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle”.

Dhanka kale Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa u safray Jabuuti, oo uu uga qayb gelayo caleemo-saarka Ismaaciil Cumar Geelle oo maalinta berri ah loo dhaarin doono madaxweynaha Jabuuti.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa safar ugu ambabaxay dalka Jabuuti, kaddib marti-qaad rasmi ah oo uu madaxweynuhu ka helay madaxweynaha Jabuuti oo diyaarad khaasa u soo diray wafdiga, waxayna ka qaybgeli doonaan caleemo-saarka madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle”.

Jabuuti ayaa sidan oo kale 2016 caleemo-saarkii Ismaaciil Cumar Geelle ka wada qayb gelisay madaxweynihii Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynihii Somaliland Axmed Siilaanyo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa bishii la soo dhaafay ee April markii shanaad ku guuleysatay madaxtinimada dalkaas.

PUNTLAND POST

The post Jabuuti oo DFS iyo Somaliland ka wada qeyb gelinaysa caleemo-saarka Ismaaciil Cumar Geelle appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this