Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Sidee looga ciiday deegaanada ay gacanta ku heyso xarkada Al-Shabaab?

Recommended Posts

Deeq A.   

Jilib (Caasimadda Online) – Waxaa maanta si weyn looga ciiday deegaanada ay gacanta ku heyso ururka Al-Shabaab ee ka dagaalanto gudaha Soomaaliy iyo qeybo kamid ah Kenya.

Deegaanada laga ciiday oo ay Al-Shabaab gacanta ku hayaan waxay ku kala yaalaan Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Magaalooyinka sida weyn looga ciiday oo ay Al-Shabaab gacanta ku heyso waxaa kamid ah Magaalada Jilib ee Jubbalada Dhexe.

Boqolaal qof oo isugu jiro shacab, madax iyo ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ayaa isugu yimid barxad loo diyaariyey in salaadda Ciidda lagu dukado taasoo loogu magacay daray macallin Aadan Xaashi Ceyrow.

Dadka isugu yimid halkaas ayaa waxaa khudbado kala duwan u jeediyey madax iyo saraakiil ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Sidoo kale deegaanada Shabaab gacanta ku hayaan ee laga sida weyn looga ciiday waxaa kamid ah Magaalada Galhareeri ee gobolka Galguduud.

Dhanka kale, waxaa si weyn looga ciiday Magaalada Saakow ee Jubbalada Dhexe, halkaas oo ay isugu soo dhaweyno dadweyne aad u badan iyo ciidamo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, waxaana halkaas kasoo muuqday saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo hadalo jeediyey.

Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe oo kamid ah deegaanada ay Shabaab gacanta ku hayaan ayaa sidoo kale si weyn looga ciiday, waxayna Al-Shabaab dadka isugu keeneyn barxad weyn halkaas oo lagu dukaday Salaadda.Ciidda_Jilib1442-26.jpg 12-scaled-1.jpg 15-scaled-1.jpg 17-scaled-1.jpg 18-scaled-1.jpg 20-scaled-1.jpg 21-scaled-1.jpg 22-scaled-1.jpg 24-scaled-1.jpg 26-scaled-1.jpg 29-scaled-1.jpg 33-scaled-1.jpg 35-scaled-1.jpg 36-scaled-1.jpg 38-scaled-1.jpg 39-scaled-1.jpg 40-scaled-1.jpg Ciidda_Jilib1442-2.jpg Ciidda_Jilib1442-1.jpg Ciidda_Jilib1442-40.jpg Ciidda_Jilib1442-36.jpg

2-1-1024x768-1.jpg 5-1-1024x768-2.jpg 4-1-1024x768-1.jpg Saakow-8.jpg Saakow-9.jpg

The post Sawirro: Sidee looga ciiday deegaanada ay gacanta ku heyso xarkada Al-Shabaab? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this