Sign in to follow this  
FIDHIN

my home town oodweyne casting it votes in somaliland elections pictres

Recommended Posts

FIDHIN   

Doorsahada Madaxtinimada Somaliland oo Soo Gebagabawday Gobolka Oodweyne iyo Sidii Maanta Deegaankaasi Uga Dhacday Doorashadu + SAWIRO

 

 

Oodweyne(OWN)- Waxa amaanta guud ahaanba si nabadgalyo ah uga qabsoomay Gobolada iyo degmooyinka dalakani jamhuuriayada Somaliland codbixinta doorashada madaxtinimada Somaliland taas oo ay ku tartamayaan 3da musharax ee kala sharaxan 3xisbi qaran ee UDUB,Kulmiye iyo,UCID.

 

Hadaba Gobolka Daad Madheedh amaba oodweyne ayaa ka mid ahaa gobolada maanta sida weyn ay dadweynuhu ugu soo baxeen codbixinta waxaana gobolka oodweyne iyo deegaamadaasi loo asteeyay inay dadweynuhu ka codeeyaan 46goobood kuwaasii oo kala yaala magaalo madaxda gobolka iyo deegaamada ay maamushaba.

 

 

Deegaanka oodweyne oo ka mid ah dhulka ay had iyo goor uu ka soo baxo codadka ay kala eryadaan musharaxiinta axsaabta qaranku ayaa isugu ah mid muhiimad weyn ugu fadhiya xisbiyada qaranka taas oo mid waliba u hanqaltaago sidii uu u kasban lahaa codka deegaankaasi.

 

Mar dhaweyd mar aan la xidhiidhay gudoomiye ku xigeenka Gobolka Daad Madheedh Daahir Aadan Baxnaan ayaa sheegay in si nabadgalyo ah ay ku soo gebagabwday codbixintii ghuud haanba ka socotay gobolkaasio waxaanu gudoomiyuhu sheegay in markii ay la xidhiidheen dhamaanba goobihii ay ka socotay hawshani ee Gobolka daad madheedh ay soo afgoeeen dadkuna ay kalsooni ku jirto codkooda u siyeen xisbi alaale iyo xisbigii ay iaygu doonayeen.

 

 

Liiskii dhawaan ka soo baxay Komiishanka Doorashooyinka ee codbixiyaasha Gobolka Daad Madheedh ayaa isagu ahaa mid kor u dhaafayay 49,000 oo codbixiyer taasina waa ta keentay in tii lagu jiray ololaha doorashada madaxtinimada y madaxda saresare ee 3xisbiba gaadheen Gobolkaasi iayag oo mid waliba xisbigiisa taageerop uga raadinaya shacbiweynah deegaamadaasi ku dhaqan.

 

Ugu danabytii waxaa la filaya in maalamaha soo socda si rasmiya loogu dhawaaqidoona liiska kamdanbaysta ah ee codadka uu xisbi waliba ka helay guud ahaanba gobolada dalaka taas oo uu kas oo dhex bixi doono 3xisbiba madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen wadanka hogaamin lahaa .

 

 

 

 

Maxamed Cawed Maxamed

 

Oodweyne News/Burco Office

 

E-mail:cawad05@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this