Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya Airways oo beenisay in ay duullimaadyo ka bilaabayso magaalada Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   
Kenyairways.jpg?resize=1000%2C600&ssl=1

Shirkadda diyaaradaha Kenya Airways, ayaa beenisay warar ku saabsan, in ay duullimaadyo toos k aka bilaabi doonto magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Shirkadda ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay, warar shalay lagu faafiyay baraha bulshada oo lagu sheegay, in ay dhowaan duullimaadyo ka bilaabayso magaalada Hargeysa.

 “Kenya Airways waxay dooneysaa inay caddeyso in qorshaha lagu billaabayo duulimaadyada Hargeysa, Somaliland ay haatan hakad ku jiraan, iyada oo la sugayo ogolaansho iyo ansixin loo baahan yahay,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay shirkadda.

Warkan ayaa ku soo beegmay, xilli dowladda Kenya ay hakisay dhammaan dullimaadyada Soomaaliya, marka laga reebo diyaaradaha samaynaya gurmadka caafimaad iyo kuwa bani’aadminnimada ee Qaramada Midoobay.

PUNTLAND POST

The post Kenya Airways oo beenisay in ay duullimaadyo ka bilaabayso magaalada Hargeysa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this