Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo iyo Museveni oo kulan yeeshay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1620756878604.jpg?resize=720%2C51

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Uganda Yoweri Museveni.

War-saxaadadeed ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in labada Madaxweyne ka wadahadleen xiriirka dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda, iyada oo ay madaxdu isku raaceen adkeynta xiriirka qotada dheer ee ku dhisan iskaashi iyo wax wadaqabsi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweyne Yoweri Museveni guusha uu ka gaaray doorashooyinkii ka dhacay dalkaas, isaga oo u rajeeyey horumar shacabka iyo dawladda Uganda.

Madaxweyne Farmaajo oo maanta tegay dalka Uganda ayaa ka qeybgalaya caleemo-saarka Yoweri Museveni oo 35 sano xukumayay dalkaas, dhawaana la doortat markii lixaad.

PUNTLAND POST

The post Farmaajo iyo Museveni oo kulan yeeshay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this