Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Duqeyn Ka Dhacday Qasa Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Qaza)-Wasaaradda Caafimaadka Maamulka Falastiiniyiinta ee magaalada Qaza ayaa sheegtay in sagaal Falastiiniyiin ah lagu dilay duqeymaha cirka ee Israa’iil ay ka wado dhulka Falastiin.

Saddex ka mid ah dadka la dilay waxay ahaayeen carruur sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah oo ku sugan magaalada Qaza.

Ciidanka Israa’iil ayaa sheegay in ay bilaabeen duqeymo cirka ah oo ay ku qaadayaan Qaza, ayna ku dileen taliye sare oo ka tirsan Xamaas, iyagoo ka jawaabaya gantaallo ay soo tuureen Xamaas kadib weerarkii Israa’iil ay ku qaaday Masjidka Al-Aqsa ee magaalada Qudus.

Afhayeenka ciidamada Israa’iil Jonathan Conricus ayaa u sheegay wariyeyaasha “Waxaan bilownay, waana ku celinayaa in aan weerar ku qaadno bartilmaameedyada militariga ee Qaza.”

Wuxuu sheegay in ciidamada Israel ay bartilmaameedsadeen “hawl wadeen militari oo ka tirsan Xamaas,” halka ila wareedyada Xamaas ee Gaza ay u xaqiijiyeen wakaalada wararka ee AFP in mid kamid ah taliyayaashooda la dilay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this