Sign in to follow this  
Deeq A.

Maalqabeenada isfuray ee Bill & Melinda gates oo shaaciyey Siday Hantidooda u kala qaybsadeen!

Recommended Posts

Deeq A.   

Maalqabeenada isfuray ee Bill & Melinda gates oo shaaciyey Siday Hantidooda u kala qaybsadeen!

Bill iyo Melinda
Lammaanaha ayaa is guursaday 1994.

Bill iyo Melinda Gates ayaa ku heshiiyay in ay kala qeybsadaan hantidooda, ka hor inta aanay Isniintii shaacin furriinkooda, sida ay sheegtay warbaahinta Maraykanka.

Lammaanaha bilyaneerrada ah ayaa wada joogay 27 sano, waxaana lagu soo warramay inay kala saxiixdeen heshiis caddeynaya sida ay u qeybsanayaan hantidooda.

Bill iyo Melinda ayaan gelin heshiis hantida u kala soocaya markii ay is guursanayeen sanadkii 1994.

Lammaanaha ayaa maamula hay’adda Bill & Melinda Gates Foundation, oo balaayiin doollar ku bixisa hawlaha samofalka ee ay ka qabato daafaha caalamka.

Waxa ay ballanqaadeen in ay ka sii wada shaqeyn doonaan hay’adda marka ay sida rasmiga ah u soo afjaraan guurkooda.

Bill Gates ayaa hadda ah ninka afaraad ee ugu taajirsan caalamka, waxaana uu haystaa 124 bilyan oo doolar, sida ay shaacisay majalladda Forbes.

Waxa uu dhaqaalaha ka sameeyay shirkadda uu wax ka asaasay ee Microsoft, oo ah tan ugu weyn ee samaysa barnaamijyada Software-ka ee ay ku shaqeeyaan kumbuyuurarrada.

Hantida maguurta ah ee lammaanaha ayaa la rumaysan yahay inay ka mid yihiin guryo ku yaal Washington, Florida iyo Wyoming. Aqalkooda u weyn ayaa la sheegay in uu yahay mid saaran harada oo ku yaal xaafadda Medina ee Washington, kaasoo qiimihiisa lagu sheegay ugu yaraan 127 milyan oo doolar.

Bill iyo Melinda ayaa ogeysiiskooda furriinkooda Isniintii u gudbiyay maxkamad ku taal magaalada Seattle, sida ay ku warrantay warbaahinta Maraykanka.

“Guurkeena waxaa soo gaaray burbur uusan ka kaban karin, waxaan ka codsaneynaa maxkamadda inay ansixiso furriinka,” ayaa lagu sheegay codsi ay maxkamadda u gudbiyeen lammaanaha.

Codsiga ayaa lagu sheegay in hantidooda iyo ganacsiyada ay leeyihiin ay ku kala qeybsan doonaan “sida ku cad heshiiska kala tagga,” in kasta oo aan heshiiskaas la shaacin.

Lammaanaha ayaa isu dhalay saddex carruur oo dhammaantood qaangaar ah, kuwaas oo aan u baahneyn daryeel waalid, sida lagu sheegay dukumiintiga furriinka.

Midkiiba waxa uu qabsaday saddex qareen. Qareennada Melinda waxaa ka mid ah Robert Cohen oo ay macaamiishiisu kamid tahay Ivana Trump, oo ah xaaskii hore ee Donald Trump.

Sidee ayay isku barteen Bill iyo Melinda?

Melinda ayaa sanadkii 1987 ku biirtay shirkadda Microsoft, waxaana ay isla sanadkaas Bill ku kulmeen xaflad casho oo ka dhacday New York.

Sidaa ayay ku billaabeen haasawahooda, sida uu Bill Gates u sheegay barnaamij ay ka diyaarisay shirkadda Netflix.

Melinda ayaa sheegtay in Bill uu inta ay wada socdeen u soo bandhigay “faa’iidada iyo dhibaatooyinka uu leeyahay guurka”.

Waxa ay sanadkii 1994 ku aqal-galeen jasiiradda Lanai ee gobolka Hawaii, iyagoo sida la sheegay kireystay dhammaan diyaaradaha helicopter-ka ah ee deegaankaas si ay uga hortagaan in dad aysan casuumin ay dul maraan jasiiradda.

Bill iyo Melinda Gates
Bill iyo Melinda Gates

Maxay tahay hay’adda Gates Foundation?

  • Lammaanaha ayaa hay’adda Bill & Melinda Gates Foundation sanadkii 2000 ku asaasay magaalada Seattle
  • Waxa ay xoogga saartaa caafimaadka dadweynaha, waxbarashada iyo isbedalka cimilada
  • Dhaqaalaha ay bixiso waxaa kamid ah 1.75 bilyan oo dollar oo ay ugu deeqday tallaalka iyo cilmi-baarista xilligan uu jiro Covid-19
  • Hantida hay’adda ayaa sanadkii 2019 lagu qiyaasay 43 bilyan oo dollar
  • Muddo sanado ah, Bill iyo Melinda ayaa ku bixiyay hay’adda lacag ka badan 36 bilyan oo dollar
  • Bill Gates ayaa sanadkii hore iska casilay xilkii uu ka hayay Microsoft si uu xoogga u saaro hawlaha samafalka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this