Sign in to follow this  
Deeq A.

Haweeney Muslimada oo Mar qudha dhashay 9-caruur ah+Tirada Wiilala & Hablaha+Hadal heyn ka dhalatay & Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Haweeney Muslimada oo Mar qudha dhashay 9-caruur ah+Inta Wiilala & Hablaha+Hadal heyn ka dhalatay & Sawirro

 

maali-300x156.jpg 

 Haweeney 25-sano jir ah oo u dhalatay dalka Mali ayaa isbitaal kuyaala dalka Maroko mar qura ku umushay sagaal caruur ah , waxaana dhacdadan noqotay mid hadal heyn badan ka abuurtay daafaha dunida.

Halima Cisse oo 25 sano jir ah ayaa horey baadhitaano loogu sameeyay lagu ogaaday in ay wado todobo caruur ah ,balse markii dambe dhashay sagaal caruur ah oo isugu jira shan gabdhood iyo afar wiil.

Dhakhaatiirta Cusbitaalkan kuyaala dalka Maroko ayaa hooyadan qaab qaliin ah uga soo saaray caruurtan, waxaana dhakhaatiirtu sheegeen in hooyada iyo caruurtaba xaaladooda ay fiican yihiin.

Wasiirka caafimaadka ee Mali, Fanta Siby, ayaa warbaahinta u shegtay in dowladu gacan ka geysatay sidii hooyadan loola socon lahaa xaaladeeda caafimaad iyada iyo caruurteeda, waxayna xustay in hada xaaladooda aad u fiican tahay.

Warbaahinta iyo baraha bulshada ayey hadal heyn badan ka abuurtay hooyadan nasiibka badan ee mar qudha dhashay sagaal caruur ah, waxa ayna dadka siyaabo kala duwan uga hadleen sheekada hooyadan caruurta badan mar qudha dhashay.

umul-1-1024x482.pngumul-2-1024x425.pngumul-3-1024x390.png

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this