Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaramada Oo War Deg-deg Ah Ka Soo Saartay Dagaallada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Qarramada ayaa war deg deg ah ka soo saartay dagaalladii ugu dambeeyay ee ka soo cusboonaaday ee Muqdisho ku dhaxmaray ciidamada kala taabacsan dowladda iyo mucaaradka.

“Bahda Qarramada Midoobay ee Soomaaliya waxay si aad ah uga walaacsan tahay isku dhacyada ka dhacaya magaalada Muqdisho. waxaan ku boorrinaynaa dhinacyada oo dhan in ay muujiyaan is xakamayn” ayaa lagu yidhi Qoraalka ka soo baxay Qaramada Midoobay.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in marnaba xabadda ayna xal u noqoneyn ismariwaaga siyaasadeed ee taaggan, waxaana dhinacyada iska soo horjeeda ay ugu baaqday in ay is xakameeyaan.

Saacadihii magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay dagaallo iyo iska horimaadyo u dhaxeeya ciidammada dowladda iyo xoogag taabacsan mucaaradka oo ka soo horjeeda muddo korarsiga dowladda hadda jirta.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this