Sign in to follow this  
Deeq A.

Heshiis laga gaaray colaad u dhexaysay Puntland iyo jabhad hubaysan

Recommended Posts

Deeq A.   
4-7.jpg?resize=960%2C640&ssl=1

Dowladda Puntland ayaa shaacisay in cafis loo fidiyay jabhad hubaysan oo uu hoggaamiyo siyaasi Mahad Cali Carcar, taas oo marar kala duwan weeraro ku qaadday ciidamada Puntland ee ku sugan Gobolka Gardafuu.

Wasiiro iyo xildhibaanno ka tirsan Puntland, oo ay weheliyaan maamulka Gobolka Gardafuu iyo odoyaasha dhaqanka degaanka, ayaa maanta degmada Caluula ku soo dhoweeyay siyaasi Mahad Carcar iyo ciidamadiisa, kadib markii uu cafis u fidiyay madaxweyne Siciid Deni.

Munaasabad kooban oo lagu qabtay magaaalada Caluula ayaa sidoo kale laga sheegay in la xalliyay tabashooyin ay jabhaddaasi ka qabtay Puntland, islamarkaana ciidamadii jabhadda ay la wareegtay dowladdu.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Axmed Kulan oo munaasabadda ka hadlay, ayaa sheegay in xal rasmiya laga gaaray khilaafkii dowladda iyo jabhadda siyaasi Mahad Carcar, kadibna madaxweynuhu cafis u fidiyay.

PUNTLAND POST

The post Heshiis laga gaaray colaad u dhexaysay Puntland iyo jabhad hubaysan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this