Sign in to follow this  
Deeq A.

Breaking News—Dowlada Federaalka oo loo diiday inay maamulaan Talaalka Covid19 ee Soomaaliya loogu deeqay, Kadib Dacwad katimid Puntland iyo Soomaaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar Dublamaasiyadeed oo Warbaahinta Puntlandi.com ay heleen, Soomaaliland iyo Puntland ayaa Beesha Caalamka u gudbiyey Dacwad ah in Xukuumada hada jirta ee Soomaaliya aan lagu aamini karin inay maamulaan Talaalka Covid19 ee loogu deeqay Soomaaliya.

Waana sababta keentay in Talaalka loogu deeqay Soomaaliya loo weeciyo Nairobi, oo uu hada yaalo mudo 9 Cisho ka badan.

Soomaaliland iyo Puntland ayaa Beesha Caalamka ee ku deeqay Talaalkaan waxay u gudbiyeen Cadeymo dhowra oo muujinaya intii lagu guda jiray Dagaalka ka dhanka ah Covid19 in Malaayiin dollar iyo Qalab Caafimaad oo loogu deeqay Soomaaliya aysan waxba kasoo gaarin labadaan Maamul, qalabkaas qaarkiisna lagu arkay Suuqyada Ganacsiga.

Sida aan Xogta ku hayaan Howlwadeenada Puntlandi.com Hay’ada Caafimaadka Aduunka WHO qaybteeda Gacanta ku haysa Talaalkaan iyo Hay’ado kale ayaa baaritaan dheer oo dacwadaan ku saabsan iyo Wadatashi ay la sameeyeen Xafiisyada kale ee Qaramada Midoobaybu jooga Soomaaliya kadib waxay go’aansadeen in Talaalka Shixnada u horaysa lageeyo Garowe, halkaasoo lagu keydinayo,

Waxaa jira iyana warar sheegaya in Talaalka u horeeya ee Qof Soomaaliya lagu duro uu ka dhici doono Garowe, Wasaarada Caafimaadka Puntland ayaa iyana gudbiyey Qorshe ah in Shaqaalaha Caafimaadka iyo Dadka Waayeelka ah lagu bilaabo talaalka.

Puntlandi.com Nairobi

DC270EA6-FA0D-4408-BD63-49F8888C7CFB-667

The post Breaking News—Dowlada Federaalka oo loo diiday inay maamulaan Talaalka Covid19 ee Soomaaliya loogu deeqay, Kadib Dacwad katimid Puntland iyo Soomaaliland appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this