Sign in to follow this  
Deeq A.

War Xasaasiya:Nin Ingiriisa oo loo kireystay inuu soo dilo taajir Halis badnaa oo u dhashay dalka..

Recommended Posts

Deeq A.   

Nin Ingiriisa oo loo kireystay inuu soo dilo taajir Halis badnaa oo u dhashay dalka..

Peter in the Rhodesian SAS
Peter McAleese wuxuu ahaa calooshiis u shaqeysta aada goobaha dagaallada, xitaa Rhodesia (oo hadda ah Zimbabwe)

Sannadkii 1989-kii, koox calooshood u shaqeystayaal ah oo u dhashay Britain ayaa u safray sidii ay u soo dili lahaayeen ninkii ugu halista badnaa caalamka. Waxaa kooxdaas hoggaaminayay Peter McAleese.

Ninka ay raggaas qorsheynayeen in ay qaarijiyaan wuxuu ahaa Pablo Escobar, kaas oo hoggaaminayay burcadda daroogada ee Medellin, oo ka jirtay dalka Colombia. Wuxuu ahaa burcadkii ugu taajirsanaa abid ee dunida soo mara.

Wuxuu ahaa ninkii soo saari jiray daroogadii ugu badnayd ee cocaine ah ee ka dibna caalamka oo dhan la geyn jiray – Wuxuu masuul ka ahaa maadooriyeyaasha dunida,, boqolkiiba 80%, xilligii uu noolaa.

Kooxda Britain ka soo jeeday ee uu hoggaaminayay McAleese, waxaa kireysatay burcad kale oo dagaal uu kala dhexeeyay Escobar, oo ka jirtay Colombia.

Filim iyo barnaamij cusub oo baaritaan oo loogu magacdaray “dilka Escobar” ayaa ugu dambeyn lagu shaaciyay in howlgalkaas uu fashilmay iyo ninkii ka dambeeyay waxa uu ahaa.

Pablo Escobar, the godfather of the Medellin Cartel in Colombia in February , 1988.
Pablo Escobar wuxuu ahaa ninkii ugu taajirsanaa uguna halista badnaa ee burcaddii daroogada caalamka.

Ninka filimkan cusub soo saaray, David Whitney wuxuu sheegay in McAleese uu ahaa nin “aan la saadaalin karin” oo uu haystay “jahwareer nafsi ah”.

Muuqaalka dhexdiisa waxaa laga arkay McAleese, oo hadda ah 78 sano jir. Wuxuu sheegay: “Waxaa la ii tababaray in askarta dartood aan wax u dilo”.

McAleese wuxuu sheegay in askeri uu noqday isagoo 17 sano jir ah, si uu xal ugu helo xanaaqiisa badan. Markii uu yaraa wuxuu ahaa qof dhib badan oo daandaansi iyo cuqdadba lahaa.

Peter McAleese
Peter McAleese wuxuu ka mid ahaa askartii Britain ee sannadkii 1980-maadkii dagaalka la galay maleeshiyaadkii xuriyad-doonka ee uu watay madaxweynihii hore ee Zimbabawe, Robert Mugabe.

McAleese ka dib markii uu ciidamada ka baxay, wuxuu noqday qof marba meel ka shaqeeya oo jahwareeray. Ka dib wuxuu xadgudub kula kacay gabadh uu shukaansanayay, wuxuuna ku muteystay xabsi.

Markii la soo daayay, wuxuu wanaag u arkay in uu aasaasto koox ciidan oo isaga u gaar ah oo calooshood u shaqeystayaal ah. Wuxuu billaabay in uu qaarijinta iyo shirqoollada dil ka shaqeeyo.

Wuxuu qeyb ka noqday dagaalkii sokeeye ee Angola, ka dibna Zimbabawe iyo South Afrika ayuu ka fuliyay howlgallo lacag lagu siiyay oo dad lagu qaarijinayay.

Wuxuu la shaqeysan jiray askeri kale oo ku xeel-dheeraa sida hubka qarsoodiga ah loo safriyo oo lagu magacaabay Dave Tomkins. Waxay ku kulmeen Angola. Waxay ahaayeen laba nin oo si wayn saaxiibbo u ah, waxayna ka wada shaqeeyeen qorshihii dilka-fashilmay ee Escobar.

A young Peter McAleese's ID card during his mercenary days in Africa in the Seventies
Kaarka Aqoonsiga Peter McAleese, intuu ka howlgalayay Afrika

Jorge Salcedo, oo qeyb ka ahaa koox burcad ah oo ka jirtay Colombia oo lagu magacaabay Cali Cartel, wuxuu xiriiriye ka ahaa fulinta howlgalka dilka Escobar. Wuxuu qorsheeyay in Tomkins uu qorto koox awood leh oo fulisa duullaanka. McAleese wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyay ee la is weydiiyay.

“La iskama kaa weydiisanayo in aad qorsheyso qaarijinta Pablo Escobar, haddii aadan lahayn khibraddeeda,” ayuu yiri McAleese.

“Ma jirin anshax iga celinayay in aan dilo ninkaas,” ayuu yiri. Wuxuu intaa ku daray, “Marna uma eegin sida dil bareer ah. Waxaan u arkayay fulinta weerar bartilmaameed leh.”

Burcadda Cali waxay kalsooni wayn ku qabtay in Escobar lagu dili karay gurigiisii raaxada ee beerta Hacienda Napoles.

Qoryaha iyo bambooyiinka

Beerta uu guriga ku dhex yaalay waxaa buuxay xaywaanno kala duwan, baabuur aad u badan, sidoo kale garoon diyaarado oo gaar ah ayaa ku dhexyalay, wuxuuna lahaa gidaarro difaac oo adag.

 

McAleese wuxuu diyaarad ku dul maray beerta, wuxuuna sheegay in howlgalka la fulin karo. Qorshihii qaarijinta ayaa sidaa ku bilowday.

Tomkins wuxuu sidoo kale qortay 12 qof oo calooshood u shaqeystayaal ah – waxay ka koobnaayeen dad uu horey ula soo shaqeeyay iyo kuwo lagula taliyay.

In dalka Colombia ay si qarsoodi ah ku galaan waxaa ka caawiyay Jorge Salcedo oo ka tirsanaa burcadda Cali. Raggaas oo dhan waxaa loo qoray mushaar ah $5,000 dollar bil kasta iyo bixinta qarashaadkooda intii uu howlgalka socday. Balse Tomkins wuxuu maalin kasta qaadanayay $1,000 dollar.

in training
Kooxdii loo qoray fulinta dalka oo ku tababaranayay dalka Colombia.

Filimka cusub ee laga sameeyay waxaa lagu soo bandhigay muuqaallo uu duubay Tomkins, waxaana laga arkay ragga oo haystay lacag badan.

Marka hore, waxay ku sugnaayeen magaalada Cali, balse si aan loo arkin darteed waxay u guureen meel beer ah oo ku taallay duleedka magaalada, halkaas oo loogu geeyay hub aad u badan.

“Waxay ahayd xilliga ciidda masiixiyadda,” ayuu yiri McAleese. “Waxkasta oo aan u baahnayn sida hubka waan naloo keenay.”

Calooshood u shaqeystayaasha si fiican ayey ugu tababarteen howlgalka, balse Tomkins iyo McAleese, way garanayeen qofka uu bartilmameedka yahay.

Ka hor inta aan xubnaha kale ee kooxda aan loo sheegin qofla la dili rabo, mid ka mid ah raggii la soo qoray ayaa isaga haray howlgalka, wuxuuna dib ugu noqday dalkiisa. Ka dib wuxuu warkii u sheegay wargeys, balse ma uusan magacaabin kooxda iyo halka uu howlgalka ka dhacayo.

Markii uu soo dhowaaday xilligii weerarka, kooxda waxay galeen duurka si ay u tijaabiyaan hubkooda iyo bambooyiinka.

Helicopter
Sawir dhab ah oo laga qaaday kooxda, markii ay duurka ku jireen.

Qorshaha weerarka waxaa ka mid ahaa laba diyaarad oo ah kuwa qumaatiga u kaca, oo ku dul duula beerta Hacienda Napoles, xilliga ay kooxdan dhulka ka galayaan dhismaha – ujeedada waxay ahayd in si xoog ah lagu maro ilaalada awoodda leh ee halkaas ku sugnayd.

Waxay doonayeen in madaxa Escobar ay horey usoo qaataa si guusha ay ugu dabaaldegaan.

Markii ay maqleen in Escobar uu dhismaha ku sugan yahay, si degdeg ah ayey isu diyaariyeen. Laakiin weerarkaas marna lama fulin oo maba dhicin.

Diyaaraddii siday McAleese iyo Tomkins ayaa shil ku gashay aagga Andes, waxaana ku dhintay duuliyihii.

Ballanqaadkii uu sameeyay

Dadkii kale ee diyaaradda saarnaa way badbaadeen, laakiin McAleese ayaa si xun u dhaawacmay, waxayna ku sugnaayeen dhul buuraley ah. Illaa seddax maalmood ayuu dhul yaal ahaa, ka dib ayaa la soo badbaadiyay.

Escobar ayaa maqlay qoshihii ku saabsanaa in la qaarijin rabo, ka dib askartiisii ayuu u diray buuraleyda si ay raggaas u soo qabtaan.

“Haddii Pablo uu i qaban lahaa, dhiibaato wayn ayay igu noqon lahayd, silac iyo saxariir na waan u dhiman lahaa,” ayuu yiri McAleese.

Laakiin wuu ka badbaaday wuxuuna wacad ku maray in uusan ku laaban doonin howlgal noocaas ah – intii uu iska yaallay dhulka buuraleyda ah, isagoo dhaawac ah oo aan dhaqaaqi karin.

Peter McAleese
Hadda waa 78 sano jir, Peter McAleese wuxuu sheegay in uu wax badan ka shallaayay, balse hadda uu nabad ku nool yahay.

“Wax badan oo aan ka shallaayay ayaa jiro, mana ahan goobta dagaalka, balse waa in aan u fashilmay aabe ahaan iyo sey ahaan,” ayuu yiri.

Hadda waa 78 sano jir, wuxuuna sheegay in uu si nabad ah u noolyahay.

Dhanka kale, Pablo Escobar waxaa la dilay sannadkii 1993-dii, xilli uu ka baxsanayay maamulka Colombia.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this