Sign in to follow this  
Deeq A.

QM oo si kulul u cambaareysay qarixii ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaramada Midoobay ayaa si adag u cambaareeysay qarixii xalay ka dhacay Muqdisho gaar ahaan Maqaayada luul  Yemeni oo ku taalla degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir, kaasi oo geystay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.

Qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya aya waxa loogu tacsiyadeeyey dakii ku dhintay qaraxa, halka caafimaad loo rajeeyey kuwa ku dhaawacmay.

“Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay si adag u cambaareynayaan weerarkii foosha xumaa ee argagaxisada Al-Shabaab ay 5-tii bishaan Maarso ka geysteen magaalada Muqdisho, waxa ayna tacsi u dirayaan qoysaska dadkii ku naf waayay weerarkaa, iyagoo u rajeynaya caafimaad degdeg ah kuwii ku dhaawacmay,” ayaa lagu yiri qoraalkan QM.

Si kastaba Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi, waxaana ay shaacisay inay la bartilmaameedsatay saraakiil ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this