Deeq A. Posted March 1, 2021 Allah ha u naxariistee Wariye Jamaal faarax Aadan oo ka tirsanaa suxufiyiinta ka hawl gala magaalada Gaalkacyo ayaa galabta maqribkii lagu dilay agagaarka xerada Siinaay ee magaalada Gaalkacyo. Ma cadda sida uu u dhacay dilka Wariyaha iyo cidd gaysatay toona, mana jirto cid sheegatay dilka suxufigaas. Horay waxaa magaalada Gaalkacyo uga dhacay dilal noocaan ah oo lala beegsaday mas’uuliyiin iyo dad rayid ah intaba kuwaas oo qaarkood ay sheegteen Al-shabaaab. View the full article Share this post Link to post Share on other sites