Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Blogging - Tell Your Own truths! Refuse to be Edited out of History!

Recommended Posts

Laba-X   

Paragon, Sxb! xagaad oroday ood u digdigleedahay?

 

Waxba marada hasoo feydan sxb il baa kaaga horeyseye. Rag baa u gola fadhiyoo geel iyo guunya lahaayeenba soo tubay meesha e maxaad leedahay?

 

Nin aan guunyo qabin maalin baan gabadh la siinayne,

Gabootaha magaalada ka yimid cidi gar siinayne

Goobaha ciyaaraha hablahu uma garaacayne,,

Cadda loolka goortii ciyaar gudis la aadaayo,

Goobta dhaqanka reeraha gartiyo geedka lagu gooyo,

Nimaan geesinimo lagu ogeyn gacan ma taageyne,

 

...Marka ina-adeer tan seegtaye, tu kale dabinkaagu ha qabto! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

LX, Lol. War ina adeer, nin wax ila doondoonayaan kuu haystaye waa maxay is bannadkani? La yiri:

 

Baadida nin baa kula daydaya daalna kaa badane

Aanan doonahayn in aad heshaa daa'in ebedkaayee

Dadkuna moodi duul wada dhashoon wax u dahsoonayn

 

Ee LX-oow bal fagaaraha iiga bax inadeer, dabinta ninbeey u daadsanayde :D .

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haneefah   

:D Waa bilaa inadeer, ninku qob moos buu caadi kuugu dhigey. Geesi geesi dhalay weeye walee, lol.

 

Xiin, ma hubtaa inaan taa wax isku nahay? Malaha wey hallucinate gareyneysay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^yaa kaloo rag wax oran kara Haneefah :D ?

 

But you got to understand her point. It was like this: men are alwasy best when they are in seduction mode, markay soo xero galiyaan baa balaayo danbaysaa...

 

iska jir ninka ku gab-ganyahaya Haneefay...maanta dadkaan la talinayey.. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^Haneefah, Lool@reer Maakhir wey soo dhigteen :D .

 

Maya walaal, LX, waa place holder, ma garatay? ;) Anuu wax ila wadaa. Ha walwalin baan ku iri; waxba inaga halaabi maayaan smile.gif :

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this