Deeq A. Posted February 2, 2021 Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo wefdi uu hoggaaminayo, ayaa haatan safar dhulka ah ku tegay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug. Madaxweyne Deni iyo wefdigiisa, waxa Dhuusamareeb ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo mas’uuliyiin ka tirsan Golayaasha Galmudug. Wefdiga Madaxweyne Deni, waxay markii hore ka dageen Garoonka Diyaaradaha Cadaado, waxaana la sheegay in ay sababa Amni uga leexdeen Airpor-ka Dhuusamareeb. Mr Deni, ayaa ka qayb-gelaya Shirka Arrimaha Doorashada oo dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka uga furmaya magaalada Dhuusamareeeb. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo safar dhulka ah ku tegay Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites