Sign in to follow this  
Deeq A.

Midawga Musharixiinta Oo War Ka Soo Saaray Xaaladdda Dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Midawga Xubana musharixiinta doorshada madaxweeynaha ayaa war ka soo saaray xaaladihii ugu danbeyay ee dalka , si gaar ah shirka magaalada Dhuusa mareeb uga furmaya madaxda dowladda iyo dowlad gobaleedyada.

War saxaafadeed ka soo baxay midawga musharixiinta ayaa marka hore waxaa tacsi loogu diray dadkii ku geeriyooday weerarkii xalay lagu qaaday Hotel Afriik .

“Golaha midowga Musharraxiinta wuxuu canbaareynayaa weerarkii argagaxisnnimo ee shalay lagu qaaday Hotel Afrlk, laguna beegsaday shacabka Soomaaliyeed. Goluhu wuxuu ka tacsiyeynayaa dhammaan dadkii halkaas ku geeriyooday, gaar ahaan Janaraal Maxamed Nuur Galaal oo kaa kaalin  hoggaamineed ka soo qaatay dhismaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Midawga .

War saxaafadeed ka ayaa dhanka kale lagu soo dhaweyay shirka madaxda dowladda iyo kuwa dowlad gobaleedyada uga furmaya magaalada dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

“Iyadoo laga amba qaadayo muhiimadda ay dalkeena u leedahay qabsoomidda doorasho wadar-oggol ah oo si xor iyo xalaal ah ku dhacda, lana tixgelinayo kala aragti duwanaanta ku aaddan meelmarinta heshiiska doorashooyinka, ayuu Golaha Midowga Musharraxiinta fursad u arkaa shirka wadashiga  Dhuusamarreeb ee tagu baaqay 1 da bisha Febraayo 2021.”

HOOS KA AKHRISO QORAALKA MIDAWGA

144720062_3526997774079385_8895088024423 145297901_3526997767412719_4731890381343

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this