Sign in to follow this  
RedSea

Spring season underway in Sanaag (alxamdu lilah).

Recommended Posts

RedSea   

ASSALAMU CALAYKUM.

ROOBAB SI FIICAN U MAASHEEYAY MAGAALADA CEERIGAABO Posted by: qaran

 

 

Ceerigaabo(HRG)- Raxmadda Eebe ee Roobka ayaa saaka si fiican u maashaysay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag....Sida ay Hargeysa News u sheegeen dad ku sugan Magaladaas Ceerigaabo oo aanu kula xidhiidhnay khadka Telefoonka, inkasta oo roobabku da'ayeen tan iyo shalay, haddana saaka ayuu si fiican ugu hooray Magaaladaas, waxaanay noqdeen kuwo maasheeyay magaaladaas.

Sida ay wararku sheegeen roobakaasi uma gaysan magaalada Ceerigaabo wax dhibaato ah, balse waxa ay roobabkaasi noqdeen kuwo dadku si weyn u soo dhaweeyeen maadaama gobolkaasi ay ka jirtay abaar isugu jirtay biyo yaraan iyo baad yaraan.

Roobabkani waxa ay wararku sheegeen inaanay ku badnayn dhulka baadiyaha ah.

Magaalada Ceerigaabo, ayaa marka ay roobabku da'aan ee ay qaadaan waxa ay isu bedeshaa dhul wada cagaar ah oo indhaha soo jiita.

Dhinaca kale magaalada Wajaale oo iyaduna ka tirsan gobolka Hargeysa ayaa shantii habeen ee u dambeeyay waxa ku hooray roobab xoogan oo taxnaa Kalabaydh oo dhinaca Somaliland ah iyo ilaa Magaalada Herer ee wadanka Itoobiya.

Roobabkaasi may gaysan wax khasaare ah, waxaana sida uu sheegay weriye Hargeysa News ka tirsan oo dhulkaas socod ku soo maray ay roobabkaasi hoos u dhigeen abaar iyo biyo yaraan ka jirtay deeganadaas ka kala tirsan Somaliland iyo Itoobiya.

 

 

Hargeysa News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites
WILDCAT   

I had heard about the drought... so this is excellent news indeed. Thanks for letting us know. All praise to allah.

 

Are there regions remaining still waiting for the rains?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this