Deeq A. Posted January 24, 2021 Sawirrada Toddobaadka Africa 15- 21 January 2021 Qaar ka mid ah sawirrada xulka ah ee toddobaadkii la soo dhaafay la qaaday ee ku saabsan Afrika. Weeraryahanka u ciyaara Arsenal ee ka soo jeeda Gabon, Pierre-Emerick Aubameyang, oo Isniintii u dabaaldegayay goolkii uu ka dhaliyay Newcastle United. Talaadadii, Dadka Itoobiya ee haysta diinta masiixiyadda ee Orthodox oo u dabaaldegayay munaasabadda Timkat. … Dad Itoobiyaan ah oo safaf ku galay magaalada Addis Ababa si ay u dabbaaldegaan. Magaalada Qaahira ee caasimadda Masar, Axaddii waxaa lagu soo bandhigay naxal kumannaan sano ka hor ahayd. Waxaana xilligaas la shaaciyay in la helay waxyaabo dhaqan ah oo qiimo wayn leh. Jimcihii, dad ku sugan bannaanka masaajidka suufiyada Sudaan ee Xamad al-Nile ee Omdurman. Markii ay furmayeen iskuullada Ghana, Isniintii, ka dib 10 bilood oo ay u xirnaayeen ka hortagga cudurka coronavirus. Dhaqaatiir qalab ku xirxiraya nin lagu arkay astaamaha Covid-19, meel u dhow magaalada Pretoria ee South Afrika. Isniintii, Garsooraha ugu sareysa Maxkamadda dastuuriga ee dalka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, Daniele Darlan, waxay sharci ka dhigtay dib u doorashada madaxweyne Faustin-Archange Touadéra. … Iyagoo arrintaas ka jawaabaya, taageerayaashiisa waxay isugu tageen xarunta Xisbiga Dhaqdhaqaaqa Quluubta Mideysan. Sabtidii hore, Taageerayaasha Yoweri Museveni oo u dabaaldegay in dib loogu doortay xilka madaxweynaha. … Ninka mucaaradka ah ee sida wayn ula loolamay, Bobi Wine, oo sawirkan laga qaaday Jimcihii, wuxuu sheegay in doorashada aysan ahayn mid cadaalad u dhacday. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites