Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxu yahay dhaqdhaqaaqa Ciidan ee maalmihii u dambeeyay ka socday Kalshaale?

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka Daraawiishta Puntland, ayaa maalmihii u dambeeyay dhaqdhaqaaq ciidan ka waday degaanno ka tirsan Gobolka Cayn, si ay hor-istaag ugu sameeyaan diiwaan-gelinta Cod-bixiyaasha doorashooyinka Somaliland.

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland, ayaa hawlgallo kala duwan ku tegay degaanno ay kamid yihiin Xararanka, Hagoogane, Maygaagle, Kalshaale, Gocondhaale iyo Ceegaag oo dhammaantood ka tirsan Gobolka Cayn.

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland ee Gobolka Cayn Col. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Axmed Nuur (Af-weyne), oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Puntland post, ayaa sheegay in ay dhammaan degaannadaas ka hor-istaageen Somaliland.

Col. Afweyn wuxu tilmaamay in ay Bulshada ka wacyi-geliyeen Barnaamijka diiwan-gelinta doorashooyinka Somaliland, islamarkaana Bulshadu ay la qaateen in la diido Barnaamijkaas.

Taliyuhu wuxu sidoo kale xusay in aanu jirin wax iska hor-imaad ciidan ah oo ka dhacay degaannadaas, balse wacyi-gelin u sameeyeen Bulshada taasina ay ku guulaysteen.

Hoos ka daawo wareysiga oo dhan

PUNTLAND POST

The post Muxu yahay dhaqdhaqaaqa Ciidan ee maalmihii u dambeeyay ka socday Kalshaale? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this