Deeq A. Posted December 26, 2020 Dowladda Ethiopia ayaa shaacisay in ay doorashada Baarlamaanka dalkaas qaban doonto 5-ta June ee sanadka 2021. Xisbiga Prosperity ee uu Abiy Ahmed aas aasay sanad ka hor, ayaa wajahaya caqabado uga imanaya xisbiyada ku abtirsada qowmiyadaha ee sii xoogeysanaya kuwaasi oo doonaya awood dheeri ah oo ay u helaan gobolladooda. Dalka labaad ee ugu dadka badan qaaradda Afrika waxa uu leeyahay nidaam federaal ah iyo 10 dowlad goboleed, oo in badan oo ka mid ah ay ka dhex jiraan muranno xuduudeed. Tigray ayaa bishii September si iskeed ah u qabatay doorashadeeda, iyadoo ka dhega adeegaysa dowladda federaalka, oo ku tilmaamtay doorashadaasi mid sharci darro ah. Guddiga doorashada ayaa sheegay in jadwalka taariikhda sanadka soo socda ee codbixinta aysan ku jirin doorasho ka dhacda gobolka Tigray. PUNTLAND POST The post Dowladda Ethiopia oo ku dhawaaqday doorasho Baarlamaani ah appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites