Sign in to follow this  
Laba-X

Soamaali baan ahay...

Recommended Posts

Markaan ku iri waad warbadantahay waad xanaaqday laakiin runtaan udhowaa. See, hadda habaryar baad i leedahay!Habryartay ma noqon kartid. Hal qolo keliyaa habaryar ii ah meeshaanna ma joogaan!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kool_Kat   

^War soco, i was feeling sorry for you markaan habaryar ku iri...Sheekaaba wadaayee...Adookale horta habaryar umba noqon karo...Bal qofaad tiri waad warbadantahay oo adi kaa yaaban ka waran...Warbadnidaa habaryaroow, bal yadha aamu...

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ :D:D

 

calm down kooleey, habaryarahay dad la heli karo maaha! Maanta meel uma socdo. Shaqadii waa isasoo taagtay. SOL baan ka shaqeynayyaa adeer dadbadan meesha war uun lasoo dhooban oon rabaa inaan kala yareeyo. Adiga bas waaye mar haddaad habaryar i tiri waan iska kaa dhaafayyaa...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

San-ku-neefle ma oggoli

Inuu iga sarreyn karo

Kind of makes me sad to think of "what-it-used to-be" - maanta waxaa la marayaa heer san-ku-neefle xaarka laga dhaqo.

 

Well done, Mr Labo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Laba-X   

Sharmaakow inadeer, ma noolayd! mise islaantii baa guriga kugu xirtay oo is tiri yaanu meel xille ka dhicin.. ;)

 

Ngonge, Iga raali noqo sxb,waxaad soo qortaba si kalaan u qaataaye - it is inherent laakiinse waan joojin!

 

KK, heedhe Geeljire ku qooraanseye xishoo gabar baad tahaye!

 

Xiin, ina adeer reer miyi si lagu noqdaa wey adagtahay balse waan metelayaa. Meel ladegoo ka wacan maanta ma jirto.

 

Nephthys - Allaylehe abidkeen maanteynu ugu liidanaa. Alla haynoo gargaaro!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kool_Kat   

Originally posted by Laba_Xiniinyood:

KK
, heedhe Geeljire ku qooraanseye xishoo

Axem, Axem, wiilkaan magaciisa ka helo, anigu ma xishoodo dee...Qofkii iga xishoodo uunbaanka xishoodaa...Anyone else can kiss - well you know what... :D

 

Serenity, porcupine Kooley ladhoho waligey ma maqlin, laakiin Kooley cali banjar haa...Kooley calibanjar, bahalaa kalagooyay - maluga heesi jirinoo horta...Maxaa horta loogu soo kor shamuumi jiray, maskiitan qeelada iyo sabciska ey kabaqoso waxaa la dhihi jiray wey dheeloysaa... :D Ohhhhhhhhh, the good old sweet dayzzzzzz...Wadankeena allaha noo hagaajiyo...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Laba-X   

Continuing on with the translations of Somali Poems, here is another great Gabay.

 

2111664090_6fb79d0ee4.jpg

 

This letter dated January 1904, speaks of of the tragic battle of Jidbaale where so many Somalis lost their lives. Though the Dervishes lost a thousand men in the Battle of Jidbaale, yet the opposing forces led by the British Army also consisted of thousands of Somalis, many of whom lost their lives on that day. Speaking of this battle and other battles the Dervishes engaged in, Ismaciil Mire composed the following poem and speaks about the gravity of the situation.

 

History has it that Ismaciil Mire and his friend Maxamad camped at some people’s hut one night and a woman charged towards him and accused him of several things, including killing her sons, looting her camels and so forth, in order to set the local men against him in retaliation. Ismaciil Mire was at the time the leader of some regiments of the Dervish army, being the second in the chain of command after the Sayid Mohamed Abdulle Hassan. Relating the tale of the woman and her accusations as well as shedding light on the conditions of the battlefield, Mire said:

 

 

 

Gelin dhexe xalaan Maxamadow, geyrtay oo kacaye

Gam’ina waayey hadalkay i tidhi, gacallow naagtiiye

Adigay gabley tidhi markaad, geyshka wadateene

 

 

Midnight last night, oh Maxamad, with a jolt I awoke

 

And I couldn’t sleep, my dear, of what the woman told me

 

You murdered my offspring, she said, when you with your army came

 

Waxay tidhi adaa igu gondolay, garangartaan iile

Waxay tidhi aday guridhigoo, ma lihi gaadiide

Waxay tidhi adaa gelengel tubay, garayartaydiiye

 

She said that you have tied me to this uninhabited wilderness

 

She said you have rendered me home-bound and I have no camels

 

She said you have, in the deserted fields, left my flock of goats

 

Waxay tidhi guyaalkii adaa, gaajo ii dilaye

Waxay tidhi gurboodkii adaa, geesaha u dhigaye

Guhaadeeda aan jirin bal aan, gabay ka soo qaado

 

She said you have, over the years, starved me to death

 

She said you have killed all the youth

 

Of her false intimidations now, let me recite a poem

 

Gumburo iyo Cagaarweyne iyo, geedkii Daratoole

Goobtii Jidbaaliyo Xargaga, guuldarradii joogtay

Gembigii ka dhacay Ruuga iyo, gudurigii haagay

 

At Gumburo* and Cagaarweyne* and the tree of Daratoole*

 

The location of Jidbaale* and Xargaga*, the defeat that prevailed

 

The turmoil that took place at Ruuga* and the Guduri* that feasted

 

Gabooddeeda Beerdhiga wixii, la isku gooraamay

Maydkii gabraday seerigay, Good ku tumanaysay

Gawarkaad maraysaba laftaad, galayaxaa mooddo

 

The tragedy at Beerdhiga* and the bloody slaughter that ensued

 

The death that filled the grounds where Good* had trampled upon

 

On every bank that you tread and the skeletons that dried

 

Gob ninkii ahaan jirey wuxuu, gibil madoobaadey

Giddigiis naflaa’iga wixii, gobolba meel aaday

 

When the noblest of men became emaciated with hunger

 

The entire population, when every region scattered to a place

 

Dayuuradaha gowliyo wixii, samada guuraayey

Daarihii gelgelintaa noqdiyo, gebiyadii ciiray

Wixii guuldarriyo hoog ka dhacay, dunida guudkeeda

 

The planes that roared and the things that travelled the sky

 

The buildings turned to rubble and the walls that collapsed

 

The defeat and devastation that overwhelmed the world’s pinnacle

 

Gembiyo jahaadkii arlada, gaday wixii joogay

Gaaliyo Daraawiish wixii, uunka kala gaadhay

Keligey ma wada geysannine, la isku geeryooye

 

The destruction and holy war that engulfed the earth’s inhabitants

 

The infidels and Dervishes and between the people what occurred

 

It’s not only I to blame, for both parties suffered countless casualties

 

Geyigii rogmaday oo dhan baad, guudka ii sudhiye

Waxbana hay gurraynine dembaad, galabsanaysaaye

Gartaa maaha naag yahay inaad, ii gilgilataaye

 

All the ravaged land, you have saddled on my head

 

So accuse me not, for you are only accumulating sin

 

You have no right, o’ woman, to threaten me

 

Gashi kaama qabo oo ma layn, gabannadaadiiye

Gambana kaama furan baan u fili, gulufyadaydiiye

Naa gefkiyo beenta daa yaadan gelin, godadkii naareede

 

I owe you no blood money, and your sons I did not kill

 

And I don’t think my regiments robbed you of your scarf

 

So stop the transgression and lies, o’ woman, lest you dwell in the pits of hellfire

 

 

Guduri = a bird that feeds on corpses

 

Gumburo, Cagaarweyne, Daratoole, Jidbaale, Xargaga, Ruuga, and Beerdhiga – These are areas, stretching from the vicinity of Laascanood, and scattered all the way from the Nugaal valley to Burco, are the sites where the Dervishes engaged in battles with the British forces. It is in the battle of Jidbaale where they suffered most casualties. An anonymous man was cited to have said…

 

 

Abidkeyba meel lagu jabaan jiqila buurnaaye

 

Dagaalkii jidbaaley ninkii joogey baan ahaye

 

Ilaahay I jecelaa muxuu jiray arwaaxdayda

 

 

I have always dwelled in the horrible places of defeat

 

I was the man present at the war of Jidbaaley

 

O’ how God loves me for he has protected my soul

 

 

p.s I have removed a few lines from the poem containing tribal names simply because some people have the tendency to read tribal names out of context - oh! and it is against SOL rules! ;) The lines i have removed though shed more evidence of the disaster that struck the Dervishes on the days of their battles.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Laba-Xininyood, your clansmen were leading that war in Jidbaale. lol

 

Keep it coming. Your translation is excellent.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Originally posted by Kool_Kat:

Sheekha, isboorko waaxid...Hus baa lugu yidhi...

 

Labo_Xiniinyood (gosh waaba ka xishoonaa inaan magacaaga qoree), thanks walaalo...It is very beautiful and powerful...

lol Kool Kat, you remind me a similar reaction of my cousin to a friend whose moniker is Qooqaani, that was the town he was born.

 

LX means a tough, hard working man.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abidkeyba meel lagu jabaan jiqila buurnaaye

 

Dagaalkii jidbaaley ninkii joogey baan ahaye

 

Ilaahay I jecelaa muxuu jiray arwaaxdayda

Maxaan weligey maqli jiray intan ......

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this