Sign in to follow this  
Jabhad

Madhoodhoow today and yesterday: The Human Cost of the Conflict in our homeland

Recommended Posts

Jabhad   

This is an example of how the media can be a good tool for the betterment of society.

 

madhodow.jpg Tootoow yesterday

 

madho.jpg Tootoow today

 

Xaggee ayuu ku Dambeeyey Madhoodhow

 

Maarso 27, 2006

 

Sannadkii 2004 waxaan akhirtayaasha uu soo tebiney arrin ku saabsan dhibaatada haysata mid ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee ku tabaalaysan magaalada Muqdisho. Ninkaas oo magaciisa la yiraahdo Xasan Abeyle oo ku magac dheer "Madhoodhow".

 

 

madho3.jpg

Xasan Abeyle (Madhoodhow) xilligaas waxa uu caan ka ahaa isgoyska Black Sea iyo Al Baraka, isaga oo intaa feera-qaawanaa, oo garaabada jaadka cuni jirey had iyo gooraale, ciidana cantuugi jirey isaga oo marka la weydiiyo sheegan jirey in uu ciida ku qadeeyo , ciida ku quraacdo, hadana ciida ku casheeya, oogadisana ama korkiisana waxa uu marin jirey olyoyada laga daadiyo baabuurta, kuna faani jirey in aan dushiisha la taaban karin.

 

 

Hadaba waxaa laga yaabaa in dad badani is weydiiyaan, Xagee ayuu ku dambeeyey Madhoodhow.

 

Nasiib wanaag Madhoodhow aad ayuu hadda uga wanaagsan yahay sidii uu ahaa xilligaas. Sida ka muuqata sawirada hoose.

 

 

Xasan Abeyle (Madhoodhow) dadka ayuu hadda wacdiyaa....

 

Xilligaan la joogo Xasan Abeyle waxa uu xirtaa dhar, kumana qubeysto Oolyada, ciidana ma cuno. Waxaa lagu xananeeyey xarunta Sh. Cabdiraxman Macow Xaaji (ahlu kheyr ) oo ah xarun lagu xanaaneeyo dadka wax uga dhimian yihiin "Dhimirka".

 

Arintu si kastaba ha ahaatee waxaad arkeysaa Madhoodhow oo sita magarafoon oo dadka wacdinaya, in kasta oo marka aad aragtid aad dareemeysid in weli wax ku danbeeyaan in kasta oo uusan sidiisii hore eheyn ama aad uga wanaagsan yahay.

 

 

Xarunta dhimirka waxaa ku jirta 30 qof, halka sadax ka mid ah ay yihiin kuwo xirxiran oo aan lagu dhexdayn Karin bulshada, 27 ka kale ayaa ah dad hada ka soo reynayo sidii hore ay u ahaayeen.

 

 

Xasan Abeyle waxa uu sanadihii 80-tamaadkii ahaa Askari u shaqeynayay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee qaybta 21-aad, wuxuuna ahaa Cunto Kariye (Cook) u shaqeynayay taliyihii ciidammada qaybtaasi General Maxamed Siciid Xirsi Moorgan, waxa uu ahaa nin aad u fir-fircoonaa, balse dadweynaha deegaanka ayaa si aad ah ula yaabay ninkaasi fir-fircoonidiisa iyo qaabka uu u shaqeeyo, waxayna markiiba u bixiyeen (Madhoodhow). AKhri Halkan.... GUJI...

 

Qore: Muuse Maxamuud Jiisow

Somali39@hotmail.com

Muqdisho Somalia

http://www.somalitalk.com/2006/xamar/27mar046.html

Share this post


Link to post
Share on other sites

Its good to see Madhoodhoow again!

 

When I initially read his story a year

or so ago at SomaliTalk, I feared for him

rust to death. Whoever helped him out

masha'Allah done great job --jazakallaah!

 

 

am

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Very positive news sxb. Institutions like the one he was admited is needed more than any other institutions sxb.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Waa arrin lagu farxo in dad walaalo ah oo Soomaaliyeed ay u gurmadeen walaalkood amaba walaalahood kale oo tabaalaysan.

 

Mahadsanid Abu-Jamal

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this