Sign in to follow this  
Som@li

Laba haween ah oo Nin habeen wada Aroosay

Recommended Posts

Som@li   

1245arooska.JPG

 

Hargeysa (Jam)- Siciid Maxamed Cabdillaahi oo ah nin dhallinyaro ah oo u dhashay Somaliland waxa markii u horreysay taariikh cusub u furay taariikhda guurka Soomaliyeed kadiba markii uu hal habeen la aqal galay laba haween ah.

 

 

Guurka lamaanaha saddexan ee kulmiyey Caruus Siciid Maxamed Cabdillaahi iyo Caruusadaha lamaanaha ah ee Ubax Saalax Cawad iyo Sahra Maxamed Cabdi-dheere oo habeenimadii Isniineed ee toddobaadkan degaanka Galoolay (Fahda) oo 25km koonfur/galbeed kaga toosan magaalada Hargeysa.

 

 

Aroos wadareedkan oo uu Siciid hal habeen kula wada guri galay laba haweena oo sawjadihiisa ah ayaa noqotay mid bog cusub u furtay inta la ogyahay taariikhda guurka Soomaalida, taas oo dadkii ka qeyb galay xafladdaasi ku noqotay ashqaraar sheeko reebtay kadib markii ay shaahid u noqdeen hab-dhaqameedka guurka cusub iyo laba haweena oo iimaansaday inay Saygooda iyaga oo hareero fadhiya hal aroos habeen qudha kula aqal galaan.

 

Lamaanaha saddexan oo uu guurkooda laga filayo in uu bulshada ku noqdo mid hadal hayntiisu raad sheeko ku reebo, isla markaana uu noqon doono mid ay isweydiimo badan ka dhex aloosa bulshada iyada oo aan la halmaami Karin heeladihii iyo xiisihii aanuu kalgacalku ka madhnayn ee tan iyo bilowgii nolosha aadamaha soo taxnaa.

 

 

Inkasta oo mudane Siciid iyo labadiisa Marwo oo xalay Jamhuuriyo ku booqatay xaafadda ay ku aqal galeen ee Galoolay oo ka tirsan tuulada Fahda ay dareenkooda ka muuqatay farxad iyo kalsooni aan la soo koobi Karin, waxa uu Siciid sheegay in uu ku faraxsan yahay labadiisa Marwo oo isla mar la aqal galay.

 

“Daraynkaygu wuu fiican yahay ku talo-galka guurkayguna wuu ii hir galay.â€

 

 

Marwooyinka Caruusadaha ah ee Ubax Saalax Cawad iyo Sahra Maxamed Cabdi ayaa iyaga oo tafaasiil ka bixinaya shucuurtooda.

 

 

Waxa ay Marwo Ubax Saalax oo ah Marwadii nasiibka u heshay habeen dhixii u horreeyey ee Saygeeda cusub oo ay ku mutaysatay 10 daqiiqo oo ay ka meher horreysay Marwada labaad Sahra Maxamed Cabdi, waxa ay tidhi; “Waan ku talo galay guurkan iyo arooskaba waananu isku jecelnahay.â€

 

 

Caruusadda labaad Marwo Sahra Maxamed Cabdi oo ay ka sinaayeen xishoodkii haweenimo hadana waxa ay muujisay taageerada ay la wadaagto dangaladdeeda kale, waxayna ku dhawaaqday; “Waan ku faraxsanahay 90% waananu isku jecelnahay sidan guurka wada jirka ah.â€

 

 

Ruun Qowdhan oo ah hooyada dhashay Siciid Maxamed Cabdillaahi, isla markaana ah hooyo aqoon farshaxanimo u leh alaabooyinka hiddaha iyo dhaqanka Soomaalidu caanka ku tahay, ayaa iyada oo dareen ahaan gudbinaysa nasiibka ay u heshay guur wadareedkan wiilkeedu calafsaday waxay dhoolo-ka-qosol ka tidhi; “Al Xamdu Lilaahi, waan ku faraxsanahay oo Ilaahay ayaa igu garab galay guurka wiilkayga, isaguna waabuu ku talo jiray.â€

 

 

Hadaba, sababaha qisada guurkan ugubka ah suurto geliyey iyo arrimihii ku waajibiyey Siciid Maxamed Cabdillaahi in uu mar qudha aroos ku wada calfado inkasta oo ay ahayd himilada dareenkiisu mid cindanayd xataa yaraantiisii oo sida saaxiibadii sheegeen uu ku hadaaqi jiray in uu maagan yahay guur ka duwan dhallinyarada dhigiisa ah ayaa waxa uu Jamhuuriya uga xog waramay Cabdillaahi Ciise Gaboobe oo Adeer ugu toosan Siciid, isla markaana ka mid ahaa kooxdii Siciid u wehelisay tabaabushihii uu kula baxay marwada hore Ubax Saalax Cawad oo ay ka kaxeeyeen Hargeysa geeyayna tuulada Fahda oo ay degan yihiin Siciid reerkoodu, isla markaana Cabdillaahi oo goob joog ka ahaa qaban qaabadii hore iyo dhismihii dambe ee arooskan, isaga oo ka waramaya bilowgii u horreeyey iyo saan-saankii hordhica guurka Siciid waxa uu yidhi; “Inanku [siciid] waxa uu inanta hore [ubax Saalax] ka guursaday magaalada [Hargeysa] oo aan annigu kala sii kaxeeyey ilaa iyo degaanka Garabis oo uu reerkoodu deganaa inanka [siciid].

 

 

Inanka [siciid] iyo inanta hore [ubax] may ahayn dad isku cusub oo waxay sheekaysanayeen muddo badan markii aanu tagnay halkaa ee subixii dambe oo aanu isu diyaarinayno qorshihii aanu ula tegi lahayn inanta reerkooda si ay noogu hibeeyaan inanta [uban] oo aanu gabaatiga ugu geyno, ayaa intii aanu ku soo maqnayn inanta [ubax] reerkooda oo joogay magaalada Hargeysa waxa dhacday inay niman na dhabar-marteeyeen oo inankii u sheekeeyeen oo ku yidhaahdeen arrintii Ubax odayaashu kuuguma maqnee gabadh kale guurso sidaas baanuu fuliyey.

 

 

Halkaa markii uu xaalku marayey oo dadkiina dawakh ku dhacay ayaa dadkii waxa ay u kala qaybsameen laba kooxood. Koox ku talisay in labada gabdhood midii hore 50 keedii Halaad la bixiyo mida dambana la arooso, iyaga oo markaa ka eegaya xag dhaqaale maadaama aanuu qoyska inanku ka dhashay aanay wada qaadi Karin inay laba gabdhood mar qudha ka yarad bixiyaan dhisaana.

 

 

Odaygii inanka [siciid] dhalay ayaa isaga oo dhaqan ahaan xeerinaya waxa uu go’aansaday inaan labada gabdhood oo uu yidhi; “Labada gabdhood midna Abti ayaan u ahay midna Adeer, markaa midna la celin maayo.â€

 

 

Markaa ayaanu dadkii degaankayagu tashanay oo wixii dhaqaale ahaan wax hayey go’aansanay in aanu labada aroos mid ahaan ku qeybno wixii ku baxayey midna uu odaygu dhiso, markii intaa la isla meel dhigay ayaa habeenkii saddexaadna waxa la meheriyey labadii gabdhood isku habeen oo waxa u dhexeeyey muddo 10 daqiiqadood dhan.

 

 

Habeenkii arooska waxa loo sameeyey dadab weyn oo la soo hadoodilay halkii loogu talo galay inay fadhiistaan Caruuska iyo labada gabdhood ee aroosadaha ah, ayaa waxa aanu dhignay saddex kursi oo ay ku kala fadhiisanayaan caruuskuna uu dhexda fadhiisanayo labada aroosadoodna labada dhinac ay ka kala fadhiisanayaan, minxiiska iyo minxiisaduhuna waxa la fadhiisiiyey meel hal jaranjaro ka hoosaysa halka uu fadhiyey aroosku, intii ay socdeen heesihii iyo madadaaladii kale ee arooska loogu talo galay ayaa runtii dadku fadhiisan waayeen oo arrinta ayaa waxay ku noqotay wax ku cusub intii arooska lagu jirayna waxba lagama dareemayn labada gabdhood, waxayna ahaayeen dad hore isu yaqaanay.â€

 

 

Hadaba, xafladda gaafka ee arooska oo xalay ku beegnayd ayaa waxa goob joog ka ahaa wasiirka dalxiiska Cismaan Cali Bile oo sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay guurkan ugubka ah ee halka mar la wada aroosay labada gabdhood, isla markaana imaanshiyihii uu kaga soo qeyb galay xafladda habeenka gaafka arooskan ay ka markhaati kacayso tixgellinta uu u hayo maadaama uu yahay wasiirkii dhaqanka hiddaha iyo dalxiiska.

 

 

Fekerkaaga ka soo dhiibo Arooskan cusub ee mideeyay laba Haween ah oo mar la wada guursaday, ku soo *** email: jamhuuriya@yahoo.com, ama jamhuriya@yahoo.com ama Jamhuuriya@hotmail.com

 

Jamhuuriya Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

Siciid Maxamed Cabdillaahi is true Noman, and has taken a place in somali history,by becoming the first Farah to marry two ladies, in one night, Mabruuuk. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalixa   

Galoolay (Fahda) oo 25km koonfur/galbeed kaga toosan magaalada Hargeysa.

 

 

Nomad dudes in somalia are nuts!

 

But it wasnt planned to be like this after you read the story

Share this post


Link to post
Share on other sites

That is NEVER a joke...Please tell the dude to dress properly when he is marrying the third one..The Fella looks likes he is malnourished himself..

 

Alla maxaa haweenku lagu ciyaaray..No wonder somali women are harsh nowadays..

:mad: :mad: :mad:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalixa   

Alla maxaa haweenku lagu ciyaaray..No wonder somali women are harsh nowadays..

 

^^^As i was told from somalia who this three-some

are i can tell you surely the girls were not forced...or no arranged marriage was in the process.

 

Instead it was totally the oppisite. A normal marriage with one girl then things went wrong and not as planned and then 2nd wife came into the issue proposing herslef and not the Man seeking her..

 

But anyhow if you read the story you can see they are happily married and are happy with their status so why not let them be!

Share this post


Link to post
Share on other sites

I don't understand why people have to insult a man they didn't know until this news report. I don't think these ladies were dragged kicking and screaming to their wedding...and as far as I know it isn't illegal or haram.

 

Excuse my language, but who really gives a shit?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this