Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar khasaare geystay oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar lagu dilay askar ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya oo maanta ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu dilay labo askari oo saarnaa mooto, xilli ay marayeen deegaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in askartaasi ay ka mid ahaayeen ilaalada guddoomiyaha Lafoole, waxaana toogasho ku dilay rag hubeysan oo baxsaday.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in dhacdada kadib ay goobta gaareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Inta badan waxaa wadada xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ka dhaca weeraro iyo dilal qorsheysan oo ay halkaasi ka fuliso Xarakada Al-Shabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this