Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyanyaal Hore Oo Loo Xilsaaray Xal U Helida Dagaalada Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Madaxweynaha Koofur Afrika Cyril Ramaphosa ahna Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa Madaxweynayaal hore u xil saaray inay hoggaamiyaan dadaalada xal u helida dagaalka ka socda Waqooyiga Itoobiya ee u dhaxeeya dowladda dhexe iyo Maamulka TPLF.

Saddex Madaxweynayaal hore oo kala ah Joaquim Chissano, Madaxweynihii hore Mozambique, Ellen Johnson-Sirleaf, Madaxweynihii hore Liberia iyo Kgalema Motlanthe, Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Koonfur Afrika

War ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa lagu shaaciyay in shaqada saddexdan mas’uul ay tahay dhex dhexaadinta dhinacyada isku haya colaada Itoobiya.

Madaxweynaha Koofur Afrika ayaa u mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo aqbalay qorshahan, wuxuuna caddeeyay in wada shaqeynta dowladda Itoobiya ay fududeyn doonto shaqada wakiilada gaarka ah ee dhex dhexaadinta ka qeyb qaadanaya.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa diidanaa wada hadal iyo dhex dhexaadin laga dhex sameeyo dowladda iyo TPLF, waxaana uu ku adkeysanayay dagaalka inuu sii wado, si uu u soo afjaro.

Kumanaan kun oo qof ayaa ku barakacay dagaalka waqooyiga Itoobiya, waxaana dadkaas ay gaadheen xuduuda dalka Suudaan, hey’adaha qaxootiga ayaa ka digaya inay korodho tirada qaxootiga ka qaxaya dagaalada.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this