Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax Goordhow Ka Dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa goor dhow gudaha magaalada Muqdisho ka dhacay qarax xoogan, waxaana uu si gaar ah uga dhacay maqaayad ku taallo agagaarka School Plusio ee degmada Xamar jajab ee gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa waxaa filiyey ruux isku soo xiray walxa qarxo  sida ay sheegayaan wararka, waxaana jiro khasaare wollow aan si dhab ah loo ogeyn, waxaa goobta gaaray gaadiidka gurmadka deg dega iyo ciidamada dowladda.

Afhayeen ciidanka Booliska Soomaaiya oo qoraal kooban soo dhigay Facebook ayaa  yiri ” Qarax ayaa ka dhacay Xamar Jajab, agagaarka Scuola Polizia, maqaaxi ay dad shacab u badan fadhistaan, wixii ka soo kordha waan idinla socodsiindoonaa.”

Laso wixii Soo kordha.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this