Sign in to follow this  
Deeq A.

QM oo ka walaacsan waxyeelada fatahaado ku dhuftay Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu yaraan 214,000 ruux ayaa ka barakacay guryahooda, kadib fatahaado iyo roobab is-biirsaday oo ku dhuftay Soomaaliya illaa iyo bishii October ee sanadkan sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Xafiiska isku xirka howlaha gargaarka bani’aadanimo ee Ocha ayaa sheegay in fatahaadihii ugu dambeeyay ay ku dhufteen Koonfur Galbeed, Jubbaland, Hirshabelle, Galmudug iyo gobolka Banaadir

QM ayaa xustay in deegaanada hooseeya ee uu mara webiga Shabelle ay roobabka ka jireen illaa iyo bishii July xilligaas oo uu da’ay roobka Xagaaga oo socday bilihii July iyo September ee sanadkan iyadoo uu biyo badan keenay webiga Shabelle.

Gobalada ugu daran ee ay dadka ka barakaceen ayaa lagu sheegay Shabeelaha Hoose oo ka tirsan Koonfur Galbeed iyo Shabeelaha Dhexe oo hoos taga HirShabelle.

Ocha ayaa xaqiijisay in magaalada Baydhabo ay ku waxyeeloobeen dad ka badan 66,000 oo ruux oo ay ku jiraan dad barkaracayaal ah, halka 6,000 ay ku barakaceen

Sidoo kale waxa ay sheegtay in dad gaaraya 35 ruux ay ku dhinteen fatahaadaha iyo roobabka, iyada oo 1.6 oo ruux ay saameeyeen musiibooyinkan intii u dhaxeysay bilihii January iyo September ee sanadkan 2020-ka.

QM ayaa ugu dambeyn sheegtay inay ka walaacsan tahay in qaar ka mid ah cudurada faafa ay ka dhashaan deegaanada ay biyaha fatahaadaha iyo kuwa roobabka ay fariisteen.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this