Sign in to follow this  
Deeq A.

Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ah oo howl-gallo lagu qabtay iyo wararkii ugu dambeeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay howl-gallo ciidamada Xoogga ay ka fuliyeen gobollada Shabeelooyinka iyo Hiiraan.

War ka soo baxay taliska ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa waxaa lagu sheegay in howl-galladaas oo ahaa kuwa qorsheysan laga sameeyey deegaano iyo degmooyinka hoostaga gobolladaasi, islamarkaana khasaare lagu gaarsiiyey Al-Shabaab.

Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu shaaciyey in howl-galladaasi lagu bur-buriyey saldhigyo ay la haayeen Al-Shabaab, laguna soo qabtay saraakiil ka tirsan kooxdadaasi.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay magacyada raggaas oo kala ah: madaxa maaliyadda gobolka Hiiraan Xasan Yuusuf  Cali, madaxa maktabka waxbarashada dumarka ee deegaanka Ceel cade oo lagu magacaabo Cali Cabdulle Jilacow & madaxa Zakawaadka ee gobollada Shabeelooyinka Cabdullahi isxaaq Xuseen.

Dhinaca kale labo xidigle Maxamed Saleebaan oo ah taliyaha ururka 4-aad ee ciidamada Danab oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ujeedka uu ahaa sidii looga adkan lahaa Al-Shabaab, wuxuuna intaasi ku dara inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyadooda.

Muddooyinkii u dambeeyey ciidamada huwanta ayaa sare u qaaday howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ay ka wadaan koonfurta & bartamaha dalka.

The post Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ah oo howl-gallo lagu qabtay iyo wararkii ugu dambeeyey first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this