Sign in to follow this  
Gabbal

Keeping hope alive: School children in Somalia.

Recommended Posts

Paragon   

Bravo Hirda Walle. They are doing a rewarding job runtii, maasha-Allah. I hope the organisation finds it earlier to increase its capacity and reach, in order to undertake similar wonderful work in many parts of the country's schools.

 

Bright future, so glad some kids are attending school after all these years.

 

Thanks Hirda.

 

And thank you Horn for posting the link.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

You're welcome jaamaca.

 

 

Qaar Kamid Ah Guddiga Markabley Relief And Development Trust ( MRDT) Oo Kormeer Ku Tagay Dugsiga H/Dhexe Ee Markabley Ee Deg.Baardheere.

 

image002.jpg

image006.jpg

 

image008.jpg

 

 

Waxaa saaka kormeer shaqo ku tagay Dugsiga Markabley ee degmada Baardheere qaar kamid ah xubnaha guddiga Markbaley Relief and Development Trust, iyaga oo soo kormeeray geedi socodka hanaanka waxbarashada ee iskuulku uu ku socdo. Waxaana xubnaha kormeerayaasha ah ay socod ku soo mareen iyaga oo soo eegay safafka ay ardaydu ku jiraan ka hor inta aysan u gudbin fasalada.

 

Xubnahani Guddiga Markabley Relief ayaa waxaa ay u sii tillaabsadeen fasalada gudahooda halkaasoo ay duruustu ka socotay, iyaga oo u kuurgelayay habsami u socodka hanaanka waxbarashada islamar ahaantaasi waxa ay ku dhiirigeliyeen Maamulka iyo Maccalimiintaba inay laban laabaan dadaalkooda oo aysan ku seexanin amaanta mar walba ay u soo jeediyaan waalidiinta ardayda.

 

Qaar kamid ah ardayda ayaa waxaa goobtaasi su’aallo ku waydiiyay macalimiinta , iyadoo ay goob jog ka ahaayeen kormeerkii yimid, kuwaasi oo yididiilo weyn ka muujiyay tayada waxbarashada Dugsiga oo noqday mid kamid ah xarumaha ugu wanaagsan Gobolka .

 

Muuqaalada arday oo tiradooda ay gaarayso ilaa 400 oo arday oo isugu jira wiilaal iyo gabdho ayaa run ahaantii u muuqday kuwo la geliyay dadaal farabadan.Dadaalkaasi oo ka yimid isku xirnaanta Guddiga Markabley Relief , waalidiinta, maamulka dugsiga iyo maccalimiinta.

 

Dugsiga Markabley oo la aas aasay sanadii 2005 ta ayaa waxaa uu kamid noqday horyaalka waxbarashada gobolka. Waxaana Dugsiga uu suurtageliyay adeegyo waxbarasho , kuwaasi oo looga kaaftoomay ardaydii u bixi jirtay meelo ka baxsan gobolka sida magaalada Muqdisho iyo qeybo ka mid dalka Kenya, kaddib markii uu dugsiga uu xushay maccalimiin ka kala yimid gudaha dalka iyo weliba dalka Kenya oo aan dariska nahay.

 

Dugsiga oo u diyaarsan fasalo kala duwan ayaa waxaa hadda xooga la saaray tayaynta ardayda dugsiga H/Dhexe ka hor inta aan loo gudbin heerka dugsiga sare oo isagu haatanba diyaarsan.

 

Waalidiinta iyo dadka degaanka degmada Baardheere ayaa u mahadceliyay Ururka Markabley Relief oo fadhigoodu yahay dalka UK.dadweynaha ayaa ku amaanay dadaalkooda iyaga oo ka codsay qeybaha kale ee jaaliyadaha inay gacan ka siiyaan Ururkaan u guntaday inay wax ka badelaan tayada waxbarashada ee gobolka.

 

Dhinaca kale waxaa manta laga raray dugsiga Markabley qalab isugu jira kuraas iyo miisas ,kuwaasoo loogu talagalay qalabaynta dugsi cusub oo guddiga Markabley Relief and development Trust ay ka hirgelinayso tuulada Buraa oo qiyaastii 20km dhinaca galbeed kaga began magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo.

 

Dugsigan oo qalabkiisu idiin muuqanayo ayaa waxaa uu ka mid noqonayaa dugsiyada hoos yimaada Markabley Relief and development Trust.

 

C/llaahi Axmed Dool waa wakiilka waxbarashada Markabley Relief, isagoo hoggaaminayo Maccalimiin dhawr ah, qalabka dugsiga iyo manhajkii iskuulka ayaa waxaa uu manta ku sii jeedaa tuulada Buraa.

 

Duqowda waxgaradka iyo dadka degaanka buraa ayaa waxa ay horay codsi ugu soo gudbiyeen guddiga Markabley Relief ,iyagoo sheegay in aysan awood u lahayn in ay carruurtooda u hirgeliyaan waxbarasho tayo leh.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this