Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Dagaalka, Madaxweynaha Tigray-Ga Oo Shaaciyey In Ciidammada Eritrea Ay Kusoo Biireen Dagaalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha gobolka Tigray ee Ethiopia ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Eritrea ay ciidammo kasoo gudbisay xuduudda kuwaasi oo weerar ku qaaday ciidamo deegaanka ah, xilli uu socdo dagaalka u dhaxeeya gobolkiisa iyo xukuumadda Abiy Ahmed.

“Tan iyo shalay ciidamada hoggaamiyaha Eritrea Isaias Afwerki waxay kasoo gudbeen xuduudda dalka, waxayna qabsadeen dhulkayga,” ayuu yidhi Debretsion Gebremichael.

“Waxay naga soo weerarayaan dhanka Humera iyaga oo adeegsanaya hub culus,” ayuu yidhi Debretsion Gebremichael, hase yeeshee ma soo bandhigin wax caddeymo ah oo muujinaya in ciidammada Eritrea ay dagaalka soo galeen.

Dhinaca kale dowladda Eritrea ayaa beenisay inay ciidankeeda kusoo biireen dagaalka, ayaga oo taageeraya ciidammada dowladda federaalka Ethiopia.

“Kan waa dagaal gudaha ah, qeybna kama nihin,” waxaa sidaas yidhi wasiirka arrimaha dibedda Eritrea Osman Saleh, oo la hadlay wakaaladda wararka Reuters.

Dhinaca kale, ururka Midowga Afrika ayaa ku baaqay wada-hadallo nabadeed iyo xabad-joojin laga gaadho dagaalka.

“Guddoomiyaha ururka Moussa Faki Mahamat waxa uu codsanayaa in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka, wuxuuna ugu baaqayaa dhinacyada inay ilaaliyaan xuququda aadanaha, islamarkaana xaqiijiyaan bad-baadada shacabka,” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay Ururka.

Si kastaba, Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa wacad ku maray in dagaalka aan la joojin doonin illaa meesha laga saaro hoggaanka xisbiga xukuma gobolka Tigray-ga ee TPLF.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this