Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Kililka 5aad ee Somalida Itoobiya oo shaaciyey Mawqifkiisa Dagaalka ka socda Gobolka Tigrayga

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Kililka 5aad ee Somalida Itoobiya oo shaaciyey Mawqifkiisa Dagaalka ka socda Gobolka Tigrayga

Madaxweyne Mustafe ayaa xilka hayay wax ka yar sanad

Madaxweyne Mustafe ayaa xilka hayay wax ka yar sanad

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomalida ayaa sheegay in haddii Ururka Xoreynta Tigray ee TPLF “aan la soo afjarin inay khatar galeyso wadajirka iyo midnimada Itoobiya.”

Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar oo Telefishinka Aljazeera u warrama,y wuxuu si weyn u taageeray go’aanka ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ee ah in howlgal militari laga fuliyo gobolka Tigray kaas oo ka dhan ah TPLF.

“Ra’iisal wasaaraha Itoobiya labada sano iyo barkii la soo dhaafay wuxuu diyaar u ahaa, dadaal adagna uu u galay, sidi khilaafka jira wadahadal looga dhammeyn lahaa, balse Kooxda TPLF ayaa jebisay dhammaan nidaamyadii siyaasadeed ee ka jiray dalka Itoobiya – dastuurkii bey baalmareen iyaga oo doorasho sharci darro ahna qabsaday”, ayuu yiri Mustaf.

“Ra’iisal wasaaraha arrimahaas oo dhan wuxuu ka muujiyey dulqaad aad u weyn, balse wadahadalka wuu wanaagsan yahay mana beddeli karo tallaabbo lagu soo celinayo sharciga iyo kala dambeynta,” ayuu hadalka ku sii daray Madaxweynaha Dowlad deeganka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Gobolka Tigray waxaa weli ka socda howlgalka militariga dowladda oo Abiy Axmed uu ku tilmaamay in uu yahay mid lagu soo celinayo xasilloonida. Golaha federaalka ee dalkaas ayaana dhowaan sheegay in xilka laga qaaday madaxda gobolkaas oo dhankooda wacad ku maray in ay is difaaci doonaan.

Mustaf Cumar wuxuu yiri: “Kooxda TPLF waxaa u afduuban shacab 6 malyan ah oo deegaankaas ku nool, iyaga oo sheegay in doorasho ay qabsadeen ayna ku guuleysteen 100%. Waxay diideen awaamiir kasta oo uga timaadda dowladda dhexe oo dastuurka waafaqsan.

“Wuxuu ra’iisal wasaaraha isku dayay wadda kasta oo khilaafka taagan wadahadal looga dhammeyn karo, isaga oo odayaasha dhaqan iyo hoggaamiyeyaasha diinta u diray, balse kooxda TPLF way diideen… TPLF wadahadalka waxay ka doorteen dagaal inay dowladda dhexe la galaan”, ayuu yiri.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay waxa uu ku tilmaamay ‘Howlgalka dhanka sharciga ah’ in dhawaan uu soo afjari doono dambiilayaasha dhibaatoooyinka geystay si sharciga loo horkeeno.

“Howlgalka dhanka sharciga ah waxaa looga golleeyahay xaqiijinta amniga iyo xasiloonida si dhammaan dambiilayaasha qaswadyaasha ah loo horgeeyo caddaallada,” ayuu ku yiri qoraal uu Ra’iisul Wasaaraha soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Mas’uuliyiinta Tigray waxay ugu baaqeen Midowga Afrika in xaaladda ay faraha lasoo galaab si wada xaajood looga sameeyo colaadda.

Abiy wuxuu sheegay in labadii sano ee lasoo dhaafay lagu guuldareystay in la yeesho wadahadallo.

Madaxweyne Mustaf wuxuu maamulka Tigray ku eedeeyay in “mas’uuliyiin sare oo deegaankaasi ka mid ah ay baahiyeen inay haystaan gantaallo ay riddadooda gaareyso ilaa iyo 700 oo km, oo ay ugu talagaleen inay ku duqeeyaan caasimadda Itoobiya iyo magaalooyinka kale.”

“Halkeed ku aragtay maamul gobol oo dal uu ka tirsan yahay doonaya inuu gantaallo ku weeraro?… marka kooxda TPLF tallaabbada laga qaaday wey sii soconeysaa illaa laga xaqiijinayo midnimada dalka iyo sarreynta sharciga,” ayuu yiri Mustafe Muxumed Cumar.

 

Barafasor Masanbat Assefa oo sharciga ka dhiga jaamacadda Addis Ababa oo Aljazeera u warramay wuxuu TPLF ku eedeeyay in 27-dii sano ee Itoobiya ay ka talinayeen ay geysteen “gabood fallo, meel ka dhacyo xuquuqda aadanaha oo ay kula kaceen shacabka Itoobiya iyo musuqmaasuq baahsan.”

“Marka tallaabbada ay dowladda dhexe ka qaadday dowladda Tigray, waa mid sharciga lagu sugayo, sida uu ra’iisal wasaarahaba sheegay. Tallabbadu waa mid xaddidan oo hadafkeeduna kooban yahay, muddo gaabanna lagu soo afjarayo, sharcigana lagu horkeenayo shaqsiyaadka dalka dambiga ka galay ee dastuurka dalka ku xad gudbay, ee ku sugan deegaanka Tigraay,” ayuu yiri.

Ciidanka Tigreega oo dhoollatus sameeyey

Guusha laga gaari karo qalalaasaha Tigray

Qaar ka mid ah dadka falanqeeya arrimaha dalka Itoobiya ayaa aaminsan in dhowr waji ay leedahay suurtagalnimada ah in ra’iisul wasaare Abiy uu guul ka gaaro xaaladda gobalka iyo howlgallada uu amray ee looga jawaabo weerardii dhawaan lagu laayay ciidamo ka tirsan kuwa federaalka Itoobiya.

Xirsi Cabdullqaadir Maxamed oo ka faallooda arrimaha Itoobiya ayaa BBC-da u sheegay in qalalaasaha gobalka Tigrayga aanu aheyn mid si degdeg ah guul looga gaari karo.

“Dagaalkaan ma ahan mid degdeg guul looga gaari karo, sababta keliya ee guul degdeg ah looga gaari karo waa haddii kacdoon shacab ah aanu ka dhex jirin Oromada dhexdeeda ama shucuubta kale ee qoomiyada isku leyneysa shacabka Tigrayga aanu la socon maamulkiisa, waxaana laga yaabaa in uu gaaro guul aan la ogeyn xiligey ku dhamaaneyso”, ayuu yiri Xirsi Cabdullqaadir Maxamed.

William Davison oo ka faalloda arrimaha Itoobiya oo ka tirsan hay’adda IRC oo Aljazeera u warramay wuxuu sheegay in “deegaanka Tigray ay ku sugan yihiin ciidama aad u xooggan, waxaana ku sugan ciidamo aan yareyn oo ah kuwa dowladda dhexe oo fadhigoodu yahay deegaanka Tigray.”

Hay’adaha qaar ayaa ka digaya in haddii uu dagaalkan sii ballaadho uu si weyn wax ugu dhimi doono amniga dalka Itoobiya. Bulshada dalkaas waxay gaarayaan illaa 105 milyan oo qof.

“Haddii dal intaasoo shacab ah ay ku nool yihiin uu amnigiisa faraha ka baxa dagaalkan uu sii socda gobolka oo dhan ayey saameyneysaa,” ayuu yiri Davison.

Falanqeeye Xirsi wuxuu sheegay in isku xirnaanka shacabka iyo dowladda TPLF ee gobolka Tigrayga “waxay kala dhantaali kartaa qorshaha” Abiy ee ah in tallaabooyin awood militari ah loo adgeesado gobalka, waxayna soo dedejin kartaa dagaal ciribtiisu noqon karto fashil ku yimaada arrimihii nabad-doonnimada Ra’iisul Wasaare Abiy ee sababtay in uu guddoomo abaalmarinta nabdda ee caalamiga ah.

“Waxey u badantahay in shacabka Tigrayga ay la socdaan xisbiga TPLF iyo maamulkooda, dagaalkaasna wuu daba dheeraan doono taasina waxay horseedi doontaa dagaal sokeeyna in uu ka dhaco,” ayuu Xirsi oo BBC Somali la hadlay.

Khalalaasahaan ka taagan gobalka Tigrayga ee dalka Itoobiya oo muddooyinkaanba taagna, ayaa si aad ah u soo ifbaxay markii maamulku gobalkaas uu qabsaday doorasho xilli uu jiray go’aan horey uga soo baxay dowladda dhexe oo ku aadanaa in sannadkan aan dalka doorasha ka qabsoomi karin, sababo la xiriira fayraska faafa ee karona.

Qaramada midoobay waxay sheegtay in dagaalkan u dhaxeeya Dowladda dhexe ee Itoobiya iyo Deegaanka Tigray uu sababayo in 9 malyan oo qof ay khatar ugu jiraan inay ku barakacaan.

Tigray
Askartan ka tirsan ciidanka gaarka ah ee Tigray ayaa Arbacadii lagu sawirray afaafka hore ee Xarunta Taliska Waqooyi

Dagaalka ka socda deegaanka Tigraay ee u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamulka deegaanka Tigray ayaa abillaawday toddobaadkii hore kaddib marki ay dowladda dhexe ee Itoobiya sheegtay in maleeshiyaad daacad u ah TPLF ay weerar ku qaadeen saldhig militari.

labada dhinac ee qalalaasaha uu u dhexeeyo midba midka kale wuxuu ku eedeynayaa inuu dagaalka billaabay.

Xisbiga TPLF waxay hormuud ka ahaayeen afarta xisbi ee bahwadaag ku ahaa EPRDF, iyaga oo hoggaanka dalka Itoobiya soo hayey ku dhawaad 27 sano.

TPLF waxay ku doodayaan in Abiy Axmed uusan haysanin sharciyad uu waddanka ku hoggaamiyo, isaga iyo xukumaddiisana ay sharci darro yihiin, maadaamaa mudda xileedkooda uu dhammaaday, sidaana waxay ku qabsadeen doorasha iyaga u gaar ah.

Maxaa ka socda gobolka Tigray?

Girmay Gebru, oo ah wariyaha BBC-da laanteeda ku hadasha afka Tigray-ga ayaa soo tabisay in arroornimadii Arbacada la maqlayay dhawaqa rasaasta oo ka dheceysay gudaha magaalo madaxda gobolka Tigray ee Mekelle, laakiin markii dambe xasiloonnida ayaa dib usoo noqotay.

 

Streets of Mekelle
Dadka deegaanka ma heystaan koronto, khadka telefoonka ama adeeg internet toona

Isu socodka dadka lugeynaya ee magaalada ayaa hadda caadi ah, laakiin gaadiidka dadweynaha ayaa shaqada joojiyay maadaama maamulka ay soo rogeen xayiraado adag oo dhinaca dhaqdhaqaaqa ah.

Waxaa sidoo kale la xiray hawada gobolka, sida ay wararku sheegayaan.

Waxaa xiran dhammaan bangiyada iyo xafiiska ee ay halkaas ku leedahay shirkadda telefoonnada ee ay dowladda maamusho ee lagu magacaabo Ethio Telecom – taas oo sidoo kale ah shirkadda kaliya ee adeegga telefoonnada ka bixisa dalka Itoobiya.

Shirkadda diyaaradaha Qaranka ee Ethiopian Airlines ayaa joojisay duullimaadyadii ay ku tageysay gobolkaas.

Ma cadda sida dowladda federaalka ay u dhaqan galin doonto xaaladda deg-degga ah ee lagu soo rogay Itoobiya, maadaama gobolkaas ay gacanta ku hayaan hoggaamiyeyaashiisa, sida ay wariyaheenna sheegtay.

Waxay intaas ku dartay in ciidamada Tigray-ga lagu daadiyay xadka uu gobolkaas la wadaago gobolka Amxaara.

Qalalaasaha Tigray

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this