Sign in to follow this  
Deeq A.

Mawqifkii Joe Bidden ka taagnaa Dalalka Turkiga & Sacuudiga ka hor guushiisa?

Recommended Posts

Deeq A.   

Mawqifkii Joe Bidden ka taagnaa Dalalka Turkiga & Sacuudiga ka hor guushiisa?

.
Madaxweyne Erdogan iyo Bin Salmaan

Waxyabaah isha lagu hayo marka uu xilka la wareego madaxweynana loo doortay ee Mareykanka, Joe Biden, oo katirsan xisbiga Dimuqraadiga, waxaa ka mid ah siyaasadiisa ku aadan bariga dhexe iyo sida ay u dhabeyn doonaan hadalo uu yiri intii uu ololaha doorashada ku jiray.

Joe Biden ayaa sannad kahor, mar uu ka qeybgalayay dood loo qabtay musharixiinta xisbiga Dimuqraadiga ee doonayay inay xisbiga ku matelaan doorashada madaxtinimada, wuxuu halkaas ku soo bandhigay aragtidiisa siyasadeed ee ku aadan Sacuudiga.

Biden oo ay dooda kala qeybgalayeen musharixiinta kale ee isla xisbigaas ayaa mar wax laga weydiiyay dilka Jamaal Khashoggi iyo dagaalka Yemen ka socda ee ay hogaaminayan xulafada Sacuudiga, waxaa uu sheegay in “haddii u madaxweyne noqdo aanu marnaba hilmaami doonin dilka Khashoggi.”

“Khashoggi waa la dilay oo waa la jarjary, waxaana aaminsanahay in uu amray dhaxal suge Maxamed Bin Salmaan, waxaana caddeynayaa in aanan wax hub ah oo dambe aanan ka iibin doonin Sacuudiga, waan ku ciqaabi doonnaa arrintaas.

“Waxaa kale oo aan kula xisaabtami doona caruurta iyo dadka aan waxba galabsan ee ay ku leynayaan dalka Yemen”, ayuu yiri Joe Biden oo ka qeybgalayay dooda musharixiinta xisbiga Dimuqraadiga oo laga baahiyay telefishenka MSNBC.

Inkastoo dad badan ay u arkayeen in isu soo dhawaanshaha Sacuudiga iyo xukuumadda Trump ay waxbadan dabooshay oo ay ka mid tahay dagaalka Yemen, ayaa haddana sida muuqata Biden waxaa uu horay u sheegay in aanu wax dulqaad u heyn doonin taliska dalka Sacuudiga.

.
Erdogan iyo ina Salmaan

Balse dadka fallanqeeya arrimaha dunida Carabta qaar ka mid ah, waxay aaminsan yihiin in hadallada Biden ay ahaayeen olole doorasho oo keliya, iyo in Sacuudiga iyo Mareykankana aanay kala marmin.

“Siyaasadda Mareykanka ee bariga dhexe isbadelkeeda aad uma badno, Mareykanka in uu Sacuudiga ilaaliyo waa maslaxadiisa balse waxyaaba badan ayuu ku imaan doonaa, kuwaas oo ay ka mid tahay dagaalka Yemen, arrinta Khashoggi iyo hubka iyo diyaaradaha F35, ma siin doonaan dalalka Carabta,” ayuu yiri Axmed Tiir oo ka faallooda arrimaha dunida Islaamka oo BBC-da la hadlayay.

Waxaa kale oo uu sheegay in Biden uu waxbadan ka badeli doonaa siyaasadda Trump ee bariga dhexee ee ku saleysnayd danaha Mareykanka oo keliya balse uu sidoo kale diiradda saari doonaa arrimo ay ka mid yihiin xuquuqul insaanka.

 

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Joe Biden ayaa sidoo kale markii la doortay, waxaa aad baraha bulshada ee dalalka Carabta loo wadwaday hadal uu hadda kahor ka sheegay hoggaanka dalka Turkiga oo uu xilligaas tilmaamay in uu ka shaqeyn doono sidii loo xoojin lahaa mucaaradka dalkaas.

Muuqalka Biden uu ku sheegay hadalkaas waxaa sidoo kale baahiyay warbaahinta dowladda Turkiga.

“Waxay ila tahay in waxa aynu ka yeeleyno Turkiga ay noqto hab ka duwan sida hadda aynu ula dhaqano dowladda madaxweyne Erdogan, waana in aan taageernaa mucaaradka dalkaas iyo kooxaha Kurdiyiinta ee dalka Turkiga”, ayuu hadda kahor Biden ka sheegay Turkiga.

.
Joe Biden

Waxaa kale oo uu xilligaas soo hadal qadaay sida uu uga walaacsan yahay gantallada ridada dheer ee uu Turkiga ka soo iibsaday Ruushka, isagoona sheegay in haddii Mareykanka uu wax hub ah ka iibinaya Ankara, uu marka hore la eego sida ay wax u socdaan.

 

Hadalkaas waxaa ka falceliyay mas’uuliyiin katirsan dowladda Turkiga oo uu ka mid yahay afhayeenka madaxweyne Erdogan, Fahretin Altun oo sheegay inay tahay mid ka fog dimuqraadiyadda iyo xiriirka ka dhaxeeya Mareykanka iyo Turkiga.

Balse Axmed Tiir oo darsa arrimaha bariga dhexe ayaa ku andacoonaya in Mareykanka aanu Turkiga uga maarmi doonin arrimo ay ka mid tahay xaaladda dalka Suuriya, maadaama Ankara ay tahay dowlad xoog leh.

Inkastoo hadaladan uu Biden jeediyay ay ahaayeen xilligii ololaha doorashada, hadana lama oga waxa ay noqon doonto siyaasadiisa bariga dhexe oo ay isku hayaan xulfada Sacuudiga, Iran iyo Turkiga oo isna dhinac ah.

Doorashada Biden ayaa ku soo aaday xilli dalal Carbeed ay xiriir diblomaasi la sameeyeen Israa’iil, arrintaas oo uu dedejinayay madaxweynaha doorashada lagaga adkaaday ee Donald Trump.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this