Sign in to follow this  
Deeq A.

Mas’uuliyiinta Tigray-ga oo shaaciyey in ciidamada Eritrea ay kusoo biireen dagaalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Mekelle (Caasimada Online) – Madaxweynaha gobolka Tigray ee Ethiopia ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Eritrea ay ciidamo kasoo gudbisay xuduudda kuwaasi oo weerar ku qaaday ciidamo deegaanka ah, xilli uu socdo dagaalka u dhaxeeya gobolkiisa iyo xukuumadda Abiy Ahmed.

“Tan iyo shalay ciidamada hoggaamiyaha Eritrea Isaias Afwerki waxay kasoo gudbeen xuduudda dalka, waxayna qabsadeen dhulkeeena,” ayuu yiri Debretsion Gebremichael.

“Waxay naga soo weerarayaan dhanka Humera ayaga oo adeegsanaya hub culus,” ayuu yiri Debretsion Gebremichael, hase yeeshee sooma bandhigi wax caddeymo ah oo muujinaya in ciidamada Eritrea ay dagaalka soo galeen.

Dhinaca kale dowladda Eritrea ayaa beenisay inay ciidankeeda kusoo biireen dagaalka, ayaga oo taageeraya ciidamada dowladda federaalka Ethiopia.

“Kan waa dagaal gudaha ah, qeybna kama nihin,” waxaa sidaas yiri wasiirka arrimaha dibedda Eritrea Osman Saleh, oo la hadlay wakaaladda wararka Reuters.

Dhinaca kale, ururka Midowga Afrika ayaa ku baaqay wada-hadallo nabadeed iyo xabad-joojin laga gaaro dagaalka.

“Guddoomiyaha ururka Moussa Faki Mahamat waxa uu codsanayaa in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka, wuxuuna ugu baaqayaa dhinacyada inay ilaaliyaan xuququda aadanaha, islamarkaana xaqiijiyaan bad-baadada shacabka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Ururka.

Si kastaba, Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa wacad ku maray in dagaalka aan la joojin doonin illaa meesha laga saaro hoggaanka xsibiga xukuma gobolka Tigray-ga ee TPLF.

The post Mas'uuliyiinta Tigray-ga oo shaaciyey in ciidamada Eritrea ay kusoo biireen dagaalka first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this