Sign in to follow this  
Deeq A.

Afar sano, kadib Maxaa u qabsoomay baarlamaanka HirShabelle?

Recommended Posts

Deeq A.   

Xili shalay ay ku beegneyd sanad guuradii ka soo wareegtay markii la dhaariyey xubnaha baarlamanka HirShabelle ayaa waxaa haatan ay dad badan is-weydiinayaan wax-yaabihii u qabsoomay muddaasi.

Baarlamanka HirShabelle ayaa waxa uu ka mid yahay hay’adaha ugu shaqada yar, marka laga hadlayo maamul goboledyada kale, waxana jirta in mudadaasi ay yar tahay waxa u qabsoomay.

Sidoo kale baarlamankan HirShabelle ayaa waxa hareeyay guud ahaan khilaafaad siyaasadeed iyo wax-qabad la’aan mudadii uu jiray.

Dhinaca kale waxa jirtay in tiro xildhibaano ah lagu dilay bartamaha magaalada Jowhar iyo sidoo kale wadadda xiriiriso magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar, taas oo dadka qaar ay tilmamayaan in cabsi ay qaban darteed aysan qaban howlo fara badan oo hor-yaallay.

Xildhibaanada baarlamanka HirShabelle oo xiligaan ay u dhamaaday muddo xileedkooda ayaa waxa looga fadhiyaa, sidii ay uga shaqeyn lahaayeen doorashada maamulkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this