Sign in to follow this  
Deeq A.

Dibad-baxyo xoogan oo weli ka socda gobolka Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa maalintii saddexaad gobolka Gedo ka socdo dibad-baxyo looga soo horjeedo ciidamada dalka Kenya oo ay dhigayaan shacabka ku dhaqan gobolkaasi.

Dibad-baxyada oo ah kuwa ballaaran ayaa waxa ay ka socdaan dhammaan degmooyinka gobolka Gedo oo dhaca koonfurta Soomaaliya.

Dadka dhigaya dibad-baxyada ayaa ku qeylinaya erayo ka dhan ah ciidamada Kenya oo dhowaan tacadiyo ka geystay duleedka degmada Ceelwaaq.

Sidoo kale waxa ay dalbanayaan dibad-baxayaashu in gabi ahaan ciidamadaasi laga saaro dalka oo dhan.

Dhowaan ayey aheyd markii ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howl-galka AMISOM ay saddex ruux ka wateen degmada Ceelwaaq, kuwaas oo ay toogasho ku dileen waxaana falkaasi ka dhashay caro dadweyne iyo dibad-baxyo ka socda degmooyinka gobolkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this