Sign in to follow this  
Kamaavi

People Grow 'Horns' out of their Head, Shoulder, Back and Knee?

Recommended Posts

Kamaavi   

Islaan u dhalatay dalka Shiinaha islamarkaana boqolkii kor u dhaaftay ayaa waxaa dhafoorkeeda kasoo baxay gees, kaasoo cabsi ku abuuray familkeeda oo xiriir la sameeyay dhakhaatiirta si loo baaro.

 

Zhang Ruifang oo islaantan magaceeda ah ayaanan wax xanuun ah dareemin markii uu geeskani kasoo baxayay mudo sanad ka hor, waxaana ay sheegtay in uu korayay maalinba maalinta ka dambeysa.

 

Cabirka geeskan ayaa iminka maraya dhererkiisu 6-centimeter, waxaana uu u muuqdaa mid ay wali koriinsho u dhiman tahay.

 

Wiilasha islaantan oo kala jira 80 iyo 60 sano ayaa aad uga wal-walsanaa geesaha kasoo baxay hooyadood, waxaana ay sheegeen in ay markoodii hore ku bilowdeen qaab nabar oo kale ah.

 

Dhakhaatiirtii loo geeyay islaantan ayaa sheegay in geeskani yahay gees maqaareed (Cornu Cutaneum), kasoo ka soo baxa dadka da`da ah mararka qaar.

 

Geesana dhafoorka kasoo baxa ee muuqaalka dadka bini`aadamka ah leh ayaa waxaa lagu mitaalaa in ay yihiin kuwa sheydaanka.

 

Photo link

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this