Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo ka jawaabtay cabasho ka soo yeertay Qoyska marxuumad Hodon Shanlayste

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo ku sugan Magaalada Muqdisho, ayaa markii u horraysay ka hadlay cabasho laga muujiyay Xukun ay ridday Maxkamadda Garoowe oo ku saabsan Kiiskii marxuumad Hodon Shanlayste.

Madaxweyne Deni, wuxuu Garsoorayaasha Xukunkaas riday ku boorriyay in ay Qoyska Marxuumadda iyo guud ahaan Shacabka Puntland u sharraxaan Qodobada ay u cuskadeen Go’aankooda, si loogu kalsoonaado Hannaanka Cadaaladda.

Sidoo kale, Qoyska Marxuumadda ayuu ugu baaqay in ay Rafcaan ka qaataan Xukunka haddii aysan ku qancin maadaama Maxkamadda Xukunka ridday aysan ahayn mid kama dambays ah balse ay jiraan maxkamado ka sarreeya.

Mudane Deni, wuxuu sidoo kale ku hanjabay in Xukuumaddu tallaabo adag ka qaadi doonto Garsoorihii lagu ogaado in uusan ridin Xukun Caddaalad ku dhisan.

Halkaan ka daawo hadalka Madaxweyne Deni

PUNTLAND POST

The post Puntland oo ka jawaabtay cabasho ka soo yeertay Qoyska marxuumad Hodon Shanlayste appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this