Sign in to follow this  
Deeq A.

Hadal (Aflagadooyin) Nebi Muxamad “NNKH”  laga sheegay oo sababay dhimasho & dhaawac+Khasaare Gaadiid la gubay

Recommended Posts

Deeq A.   

Hadal Nebi Muxamad “NNKH”  laga sheegay oo sababay dhimasho & dhaawac+Khasaare Gaadiid la gubay

.
Dad mudaharaadeyaal ah ayaa gubay gaadhi, waxayna weerareen hanti ay booliska leeyihiin

Saddex ruux ayaa ku dhimatay magaalada Bangalore ee koonfurta dalka Hindiya kaddib markii ay ciidamada booliska rasaas ku fureen dad mudaharaadeyaal ah oo ka careysan “aflagaaddo” la sheegay in Nabi Muxammad, Nabadgalyo iyo Naxariis dushiisa ha ahaatee, loogu geystay Facebook.

Dadka isu soo baxay ayaa isugu tagay bannaanka hore ee guri uu leeyahay siyaasi maxalli ah oo qaraabo la ah qofka lagu eedeeyay inuu “aflagaaddada” u geystay nabiga.

Waxay dab qabadsiiyeen gawaadhi, waxayna weerar loo adeegsaday dhagaxyo ku qaadeen ciidamada booliska oo u tagay, sida ay saraakiil ka tirsan booliska u sheegeen BBC Hindi.

Ciidamada ammaanka ayaa xidhay ninka la eedeeyay iyo 110 ka mid ah dadkii mudaharaadayay.

Kamal Pant, oo ah Taliyaha booliska magaalada, ayaa sheegay in ugu yaraan 60 askari oo ay ku jiraan saraakiil sar sare lagu dhaawacay qalalaasaha dhacay habeenkii Talaadada sii baxeysay.

“Bandow ayaa lagu soo rogay labo degmo oo ka tirsan magaalada,” ayuu yidhi.

Facebook logo
Farriinta rabshadahan sababtay waxaa lagu daabacay barta Facebook

Dhinaca kale, taliska booliska magaalada ayaa bartooda Twitter-ka kusoo qoray in xaaladda ay “xakameeyeen”, iyagoo intaas ku daray in ciidanka ay rasaas nool nool ku fureen shacabka kaddib markii ay isticmaaleen sunta dadka ka ilmeysiisa, balse waxba laga qaban waayay.

Dhimashada dadka waxaa xaqiijiyay wasiirka guriyeynta ee gobolka Karnataka, kaasoo ay caasimaddiisa tahay magaalada Bangalore.

 

Qalalaasaha ayaa billowday kaddib markii mudaharaadeyaasha ay rabsho ka kiciyeen afaafka guriga siyaasiga iyo waliba saldhig ay booliska leeyihiin, islamarkii ay arkeen “aflagaaddada lasoo galiyay Facebook”. Warbaahinta maxalliga ah ayaa tabisay in waxyaabihii lasoo dhigay barta bulshada markii dmabe la tiray.

Wasiirka, oo lagu magacaabo Akhanda Srinivas, ayaa muuqaal uu soo duubay dadka uga codsaday inay isdajiyaan, isagoo u ballanqaaday caddaalad.

“Waxaan ka baryayaa walaalaheyga muslimiinta ah inaysan dagaal u sameynin hal qof oo sharciga jabiyay awgiis. Wax kasta oo dhacayba, dhammaanteen walaalo ayaan nahay. Qof walba oo arrintan mas’uul ka ah, waxaan xaqiijin doonnaa inuu ciqaabta ku habboon mari doono. Anigu waan idinla jiraa,” ayuu ku yidhi muuqaalka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this