Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxamed Bin Salman Oo Isku Dayey Inuu CANADA Sarkaal Sare Oo Hore Uga Tirsanaan Jiray Sirdoonka Sacuudiga

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Canada)-Koox wax dila oo uu soo diray Maxamed Bin Salman ayaa la sheegay inay isku dayeen inay galaan waddanka Canada si ay u dilaan Sarkaal sare oo hore uga tirsanaan jiray Sirdoonka Sacuudiga oo lagu magacaabo Saad AlJabari.

Kiis dacwad ah ayuu Saad Aljabari u gudbiyey Maxkamada Dalka Maraykanka, kiiskan oo uu ku faah-faahiyey qorshaha lagu dili lahaa iyo abaabulka Maxamed Bin Salmaan.

Maxkamadaha Federaalka Maraykanka ayaa ogol in la keeno kiisaska la xadhiidha dalalka shisheeye.

Saad Aljabari oo hore u ahaan jiray Sarkaal sare oo sirdoonka Sacuudiga ah ayaa hadda baxsad ku jooga dalka Canada, wuxuuna sheegay in Sacuudiga uu kooxdan wax dila uu kasoo abaabulay dalka Maraykanka gudihiisa isla markaana kooxdan wax dila lagu celiyey xaduuda dalka Canada.

Kooxdan oo lagu magacaabo [Guutada Shabeel] ayaa isku dayey inay dilaan Saad Aljabari 13 maalmood kadib markuu dhacay dilkii Suxufigii Jamal Khashoggi oo ay sidan oo kale sirdoonka Sacuudiga ugu dileen magaalada Istanbul, Turkey 2dii Oktoober 2018.

Kooxdan oo isku dayey inay Canada gudaha u galaan ayaa waxaa dib u celiyey ciidammada illaalada xaduudaha Canada oo ka shakiyey raggan oo ay ku jireen kuwo khabiir ku ah baabiinta raadadka goobaha danbiyada ka dhacaan iyo saraakiil sirdoonka Sacuudiga ah.

Dowlada Sacuudiga ayaa la sheegay inay bishii March afduubatay oo xabsi ku heyso carruurta uu dhalay Saad Aljabari iyo qaar kale oo kamid ah qaraabadiisa ku nool dalka Sacuudiga, falkan oo qeyb ka ah cadaadiska Maxamed Bin Salmaan saarayo ninkan mucaaridka ku biiray.

Kiiska dacwada ee hadda horyaal Maxkamada Maraykanka ayaa waxaa sidoo kale lagu xusay magacyada dadka mucaaridka ah ee u dhashay Sacuudiga ee qurbaha ku nool ee ku jira dadka uu dilka ku xukumay Maxamed Bin Salmaan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this