Sign in to follow this  
nuune

Only Qaraami songs and their Lyrics

Recommended Posts

nuune   

why not concentrate on the meanings of the song? That way it will have a more general appeal methinks

Dawoco, dat is good idea, but it needs alot of time, can u spare us one song with its FULL PACKAGE(lyrics, meanings, story behind it etc..)

 

 

will come back later, dont have much time smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Dawaco thanks,,, let me know if u need more Somali songs (liyrics), I have it for u girl :D

 

 

Khadra Daahir

 

ISHA SACABKA MARI

 

 

Dadkoo uruayoo,

Isu tagay dhammaan

Ma ogaan Karaan

Mooyee isaga!

Ayaa uga warrama

Aramdu inay eel dheer taqaan;

Hadba waxaan arkaa

Anoo ay cidla ah

Eri dhaban sidiisii

Kuu ololayee!

Ubax baan sidaa

Kuula soo ordee!

Maad iga aqbali?

Eedaad kalgacalada

Igu unkaye

Dhibtan mawga bixin!

Naftan naftan ku oggolee

Kuu abaarsatee

Kuu abaydinka ah

Hee hee kugu indha la'

Haa haa kugu indhala'

Usha maad u qaban;

 

Ifo faalo iyo saad aragti dheer,

Sida awliyaan ku oddorosayaa

Ayaa way haa ilo biyo leh

Ku agmeerayoo

Oonku ka baaba'ayn

Garta odayada

La i soo hor dhigaa!

Arrin iyo aqoon

Afti kaa baxshee

Yey ku dhicin ilmadu

Dhir abaarsatee

Isha sacabka mari!

Eedaad kalgacalda igu unkaye

Dhibtan mawga bixin!

Hee hee kugu indha la'

Usha maad u qaban.

Share this post


Link to post
Share on other sites
dawoco   

Nuune safe the excusses. If u want the lyrics b prepared to provide the meaning. You can't have one without the other, abadan eey kaa tahay.

 

Wiilo i was actually countin on you to tell us why u llove the songs u love and what their brieve history/meaning is.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Dawoco, Waryaa gabadha magaca iiga beddela!

 

Maandeeq ;) something you should know about Somali literature is the fact that it is based on oral tradition and as such it’s very hard to trace it back to its composition history. Nevertheless, there are countless songs that are well known. Even though there are different versions of how they got composed, still the stories are out there. For instance, Magool’s Shimbirayahow heesa song is said to be sarcastic poking fun at how the representatives in the parliament (60’s) were a rubberstamp fellaz for the elites at the time. The song equates them with birds that are assembled to entertain...!

 

Mooge’s deep lyrics are in different scale and speak of human nature in unparalleled way (at least to me). You should listen it too for it has an application in the romantic relationship side too. I don’t how this song came about but I sure do love its lyrics. “Hadba waaga joogaa la tahiin walaaloo, waji lacaga bey dumar, wacadkaba ku iibshaan!†not to mention the lyrics at the start “Dadka ha iska weyneyn, Inaa kali wax garad tahay, Ha iska dhigin walaaleey!. I hope the next generation will use it in the literature classes. Well one of these days!

 

Bagaag/Khadra duo song has good lyrics too. There are many versions (its origin) out there and they are all political in nature but one that persist is Khadra’s part speaks for a man that’s believed to be well versed in foreign languages and politics and Bagaag’s part is for the M. S. Barre who was a president at the time. The crux of the song is the scholar was sacked after he fulfilled schooling the powerful man in foreign affairs. Since the government censored all types of expressions, the composer cleverly disguised the dispute of the two characters with romantic clothes.

 

But the best and most interesting story behind the radio Mogadishu songs is the Khadra’s Sheeka Baraleey by A/Qafar Ciise Cagoole and its response Sayid Khaliifa’s Baroor Diiq, and its conclusion Baxsaneey Hargeysooy. I will tell you all about it after you guys post the lyrics of these songs. In the meantime, I make me one helluva shaah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Dawaco dear igu ogow inaan kuu soo qoro lyricska heesaha balse ha iga sugin inaan macneeyo ama aan translate gareeyo :D Ooh yeah will i tell u why I love the songs whenever i post them ;)

 

 

Go figure:................

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Originally posted by nuune:

Nassir, sxb thanks for that correction, I also like Giriig's songs, the famous one's like
Boodhari sidiisi
and
Timaheeda dheeriyo
, the latter song is my favorite as well, the music is realy what i like about the song, I don't think they can do that music nowadayz.

 

When it comes who is classic, Mooge or Giriig, I would say Giriig, the two got different tone of music, and I like Giriig's music more, that is how I classify Qaraami songs

 

 

the lyrics for
Boodhari Sidiisi

 

jacayl waa balaayoo

waa baaxad sooroo

waanigan basteeyee

markaan bilan helaabuu

iga bilaayo ayadaa i bogsiisee

 

bar wadnaha ku taaloo

igu baahday weeyee

 

boodhari sidiisii

barashada jacalykana

ayadaa igu beertee

 

been laguma heeso

runta lagama beydhee

waa loo badheedhaa

cilmi kuu la balan balay

ee qaas la baa ba'ay

baa ana igu balaadhee

 

bar wadnaha ku taalo

igu baahday weeye

 

boodhari sidiisii

barashada jacalykana

ayadaa igu beertee

 

ayadoo habeen badha

intaan soo baraarugay

baalaha ka eego

marka bixiyo faynuus

ileen baabah weeyee

barkimada dagaaloo

 

bar wadnaha ku taalo

igu baahday weeye

 

boodhari sidiisii

barashada jacalykana

ayadaa igu beertee

 

basarka iyo jaahiyo

bilicda iyo nuurkaa haa

waa midaan u bogayoo

aan u beer raqaayoo

biyo nimay u keentaa

bil ku soomanaadee

 

bar wadnaha ku taalo

igu baahday weeye

 

boodhari sidiisii

barashada jacalykana

ayadaa igu beertee

 

Thanks nuune, but i need timadheer's lyrics.

 

 

I got somehow into the website you provided and i got these songs . You can listen as you click as before. I couldn't find the link to so many other classic songs.

 

Maahee

 

Soomar Soomar

 

Ubaxii Baxaay----So Sweet

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

sxb the timadheer's lyrics can be very hard to write, well, I didn't try, but as u go listen to it, u find it to be a very complex song, but the overall meaning can be understood, next time I will see if I could write it down, but keep in mind the song timadheer is not complete one, it is more than 8 minutes!

 

heestan gabadh buu aad u ammaanayaa, meel kastoo jidhkeeda ka mida sida timaheeda wajigeeda dhabarkeeda, dabeecadeeda asluubteeda akhlaaqdeeda, everything, wax uu kaa tagey ma jiraan.

 

 

here is another one of Giriig's song:

 

Quursada Haweenkoo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

WEYNOW HA INNA KALA WADIN

 

Heestan waxaa si darandoorri ah u wada qaadi jiray fannaanadda weyn ee Hibo Maxamed iyo Cabdinaasir Macallim Saciid waxayna ku jirtay riwaayadii la oran jiray "Hablayahow hadmaad guursan doontaan" ee qiyaastii ku beegneyd 1975-76kii. Miraha waxaa sameeyay abwaan Maxamuud Tukaale. Laxankana waxaa wada sameeyay Hibo iyo Cabdinaasir. Muusikadana waxaa u sameeyay Muusikiistihii (Mayeestro) Cali Rooble Subagle.

 

Wadnaha iyo waaxyahayga,

Kii waraabinaayay dhiigow

Waa waanta sharaftayda

Midka iigu wacnaadee

Waajibka iigu yeeshow!

Ifka waxa ku nool wiil

Kaan ka weheshanaayow!

Weynow ha ina kala wadinee

Waqood laba is jeceloo

Liibaan ku waartoo!

Aan is waayin innaga yeel;

Wacadkii Ilaahiyo,

Wada dhalashadeennii

Weligey is maan oran

Cidbaa kuula siman weli

Ka warheysid adiguba

Nafta inaan wadaagnoo

Aan kuu werwerayee

Hanweynida aan kuu qabo

Waa dambaad ogaaniye!

Weynow ha ina kala wadinee

Waaqood laba isjeceloo

Liibaan ku waarto!

Aan is waayin inaga yeel;

 

Waayo jacaylbaan,

La walbahaaree

Kii aan dartii u waashow!

Weehweehhashada caashaqa

Kaan wayda u hayee

Marna ii walaalow!

Wadka hadduu iga celin kari

Kaan ka waabaneynow!

Weynow ha inna kala wadinee

Waaqood laba is jeceloo

Liibaan ku waartoo

Aan is waayin inga yeel;

 

Ha welwelin anoo nool,

Wardiyay dhib baad mudan

Waqtibaad isciil badi

Qayrkaa waad ka liidane

Waa adiga waxaan helayo

Waxaan haabanayaba

Ruuxa aan u hurayee

Waxaan anigu jecelahay

Ladan wadajirkeenee

Weynow ha inna kala wadinee

Waaqood laba is jeceloo

Liibaan ku waartoo

Aan is waayin innga yeel.

 

One of the best,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

such a beautiful lyrics, thanks Wiilo. I really enjoyed reading it.

 

 

Nuune, thanks for the other song. I am still waiting the lyrics, just try. My somali in listening classic somali music is not that good, but i can see the direction of their meaning once i read.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

sxb here is the lyrics of Timadheer song, I have listened to it about two times, that is why I wrote the lyrics down, you will sure like it like I do, this song is WAAAAAAAW smile.gif

 

Timadheer

 

been laguma dhaartee x2

dhan loo dayaba gabaryahay x2

jaceel iga dhab weeye x2

 

timahaaga dheeree x2

dhabarkaaga joogee x2

ilaahay dhameeyay x2

 

ilkahaaga dhuuxaa x2

dibnahaaga dhuxushaa x2

 

dhakafaar dhakafaar x2

dhakafaar ka qaadey x2

 

waxa aad u dhigantaa x2

dhibicdiyo cadceedoo x2

isku soo dhawaadoo x2

 

dhaqan kaama luminoo x2

dhismahaa ma liicinee x2

waqti kuma dharbaaxinee x2

 

sidii aad u dhalatay x2

dheehii wali leeyahay x2

wali dhabanadaaduna x2

 

anna waxa ii dhaawacey x2

dhaayaha u roonee x2

dhoola dhoola dhoola x2

dhoola ka qosolkaagee x2

 

waxa aad u dhigantaa x2

dhibicdiyo cadceedoo x2

isku soo dhawaadee x2

 

sidii dhoolkii gu' oo kale x2

ama dhicirta hawdee x2

mid sare u taalaa x2

 

qurux loo dhameeyee x2

badankaagu waa ubax x2

aan la kala dhantaalinee x2

 

anna labada dhinacbaan x2

kaa dhuganayaayee x2

 

kuma dhaafi kuma dhaafi

kuma dhaafi karaayee

 

qurux loo dhameeyee

badankaagu waa ubax

aan la kala dhantaalinee

 

anna labada dhinacbaan x2

kaa dhuganayaayee x2

 

kuma dhaafi kuma dhaafi

kuma dhaafi karaayee

 

waxa aad u dhigantaa x3

dhibicdiyo cadceedoo x3

isku soo dhawaadee x3

 

here are most of Giriig's songs that I have seen:

 

timadheer

 

hoheey dumarkoo

 

suleekha

 

wacad

 

boodhari sidiisa

 

hido

 

maahee

 

soomar soomar

 

quursada haweenkoo

Share this post


Link to post
Share on other sites
dawoco   

Here is an article i found online abt the origins of sugaanta, the language used is very difficult but the tale is intresting. here are two segments...

 

------

Marka laga hadlayo sugaan wuxuu yeelanayaa macno labo ah kaas oo ku tusinaya in sugaantu aysan ahayn oo qura murti,maanso,hees,gabay iyo geeraar midkoodna,soomaalidii hore waxay ahaan jirtay bulsho reer guuraa ah oo xoolo dhaqataa waxay noloshoodu ku ekayd kaynta ama miyi ku nool,hadaba marka meel laga guurahayo waxaa la diri jiray sahan baad iyo biyo doon ah si xooluhu nabaad u helaan,ninka ku socdaalay dhulka ee soo sahansha marka uu soo helo meel geediga reeraha lagu furi karo oo barwaaqo ah ayuu oran jiray waxaan helay meel suugaan leh taasi waxay ku tusaysaa in suugaanta looyaqaanay meel doog iyo cagaar badan oo barwaaqo leh,

 

----------

Xukuumadihii ka hirgalay gayiga soomaalida gumaysiga ka dib ayaa waxaa ugu dardar cuslaa xukuumadii Mohamed siyaad bare allaha unaxariistee waxaana lasameeyay suugaan badan oo kacaan ahayd iyo kuwa dadka lagu dhiiran galin jiray haday noqoto waqtiyadii dagaalkii 1977 dii dhexmaray labad dowladood ee jaarka ah ee ethopia iyo somaaliya iyo jamhadihii dhaqdhaqaaqa ka waday soomaali galbeed,suugaanta ayaa noqonaysa mid la isku wareemo waxaadna ogtahiin waayadii waxaa soo batay ruwaayado lidi ku ahaa xukuumadii siyaad bare,waxaa bilowday silsilad deeleey la yiraahdo oo iyana loogu baadi wacanahayay hab beeleed,jamhadihii mucaaradka ku noqday iyaga waxaa loo sameeyay heesihii loogu yeeri jiray dabo dhilifka,dhanka mucaaradkuna kama marayn hal abuurku,oo markii ugu danbaysay siyaad bare ee uu salka ka sii qaadahayay kursigii talada dalka waxaa la sameeyay riwaayadii ay ku jirtay heesta caanka noqotay ee laankaruuser gado oo ay ku luqaysay fanaanada caanka ah ee saado cali warsame,waxaa kaloo jiray saadaal laga bixiyay in dalka ku soo socdaan mahiigaan colaadeed riwaayad la oran jiray ’’ha israacdo diidye ha is raamsatee daa’’

 

 

For the full article press here

 

I love the saado cali song mentioned, it has such deep meaning. Do any of you have the lyrics?

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Wiilo, u still looking for songs of WADANI lyrics, actually I haven't came across a good wadani songs online that I can write down its lyrics,

 

there is a lot of good wadani songs in old Somali Videos dating back as far as 1960s and so on, so watch out and find those kind of videos, I used to have one video of 1964 which has lots of wadani songs I will say about 24 wadani songs dat video has, but I lost the video lol, markaan xasuusto videowgaas suu iiga dhumey waan xanaaqaa :mad:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this