Sign in to follow this  
Sky

Denmark | 5-year old Somali boy raped in his own Kindergarten

Recommended Posts

Sky   

This is very shocking news! I was shocked, while reading this and almost bursted into tears when I saw the image of the toilet where the ordeal took place. Poor child...

 

 

-------------------------------------

 

DENMARK: 5 JIR SOOMAALIYEED OO LAGU FARAXUMEEYAY XANAANADUU DHIGANAYAY

Ibraahim Saalax

Email: ibra88@hotmail.com

SomaliTalk.com | Yurub

 

Amakaag iyo naxdin aan la tilmaami karin ayay ku noqotay qof kastoo soomaaliyeed oo maqlay wiilkii soomaaliyeed ee lagu kufsaday xanaanadii uu dhiganayay, degmada Holbæk ee koonfurta Jasiiradda Sjælland ee dalka Denmark.

 

kuis5.jpg

Mellemvang Kindergarten

kuis7.jpg

Somalis in Holbaeck protesting before the municipality

 

 

"Wiilkaygii ayay kufsadeen isagoo jooga xanaanada" ayaa iyadoo far weyn ku qoran ku qornaa bogga hore ee Wargayska caanka ah Ekstra Bladet ee ka soo baxa Denmark, waxaana si naxdin weyni ku jirto u oranayay ereyadaas aabihii dhalay wiilkaas shan jirka ah.

 

Waxay ahayd maalinimadii arbacada la soo dhaafay, markii ay hooyada wiilkaas dhashay ku aragtay nigiskii hoose ee uu cunugu qabay oo leh dhiig, dabadeedna waxay durabadiiba iyadoo naxsan oo amakaagsan taleefan kula xiriirtay ninkeedii, una sheegtay waxa ay aragtay iyo inay rumeysan tahay inay jiraan tilmaamo caddeynaya in wiilka la faraxumeeyay, sidiina ayuu aabihii si degdeg ah u aaday gurigiisii looga soo sheegay warkan naxdinta badan.

 

kuis1.jpg

The mayor of Holbaeck. The Somali boy told him that the man who raped him looked like a police officer

 

"waxaa maalinimadii arbacada ila soo xiriirtay xaaskayga, waxaa xaaskayga caado u ahayd markuu wiilka ka yimaado xanaannada, inay ka dhaqdo gacmaha, una qubeyso, waxay ii sheegtay markii uu wiilkii yimid guriga inay dhiig ku aragtay nigiskii uu qabay, durbadiiba waxaan ula cararnay dhakhtarka, kadibna wuxuu dhakhtarkii inoo gudbiyay booliiska" ayuu yiri aabaha dhalay wiilka 5 jirka ah, mar aan kula xiriiray taleefanka, waxaana ka dareemayay intaan la hadlayay inuu aad u shoogsanaa, wuxuuna isagoo hadalkii sii wata yiri markale..

 

"booliiska magaallada Holbæk waxay noo kaxeeyeen xarunta weyn ee cusbitaalka Copenhagen ee xarunta Denmark, dabadeedna saacado kadib baaritaankii wiilka, waxay khubaradii dhakhaatiirta noo sheegeen inay jiraan calaamado caddaynaya in wiilka la faraxumeeyay" ayuu igu yiri aabahaas soomaaliyeed ee la soo gudboonaatay nasiib darradaan foosha xun. "waxaan baryayaa Allaah Subxaanahuu Watacaalaa, isagaa i caawin doona" ayuu aabaha ku yiri wargayska Ekstra Bladet, kadib markii uu wacad ku maray inuu uga aargoyn doono ninkii dhibaatadaas u gaystay wiilkiisa. "Cid na taqaana ayaanan jirin, haddaan garto qofkii faraxumeeyay, markaas waxaan ku qasbannahay inaan aargoosanno si aan sharafteenna u soo ceshanno" ayuu ku yiri wargayska Ekstra Bladet, isagoo markale raaciyayna "hase ahaatee waa hubaal ah inaan ku tixgelinayo sharciga ka jira dalka Denmarkâ€.

 

kuis2.jpg

Scene of the crime

 

Inkastoo ay jiraan baaritaanadaas ay sameeyeen dhaqaatiirtaas, haddana wuxuu aabaha oo iga codsaday inaanan magaciisa shabakadda SomaliTalk.com ku baahinin ayaa ii sheegay, in gadaal danbe looga soo gudbin doono warbixinnada iyo baaritaannada ugu danbeysa ee la xiriirta faraxumeynta wiilka.

 

Maalintii ugu horeysay ee ay booliiska waraysteen wiilka, wuxuu sheegay magaca hore ee ninkii faraxumeeyay, wuxuuna ku yiri duqa magaallada Holbæk, Jørn Sørensen isagoo tilmaamaya siduu u ekaa ninka wuxuu yiri "wuxuu ahaa nin weyn oo sida nin booliis oo kale ah..".

 

kuis4.jpg

Danish police investigating this tragic ordeal

 

Duqa magaallada Holbæk ayaa usbuucii dhowaa durbadiiba saxaafadda u sheegay wararka ku saabsan faraxumeynta wiilkan soomaaliyeed, iyadoo taasina ay sababtay cabbasho iyo dhaliillo ay u soo jeediyeen 2 Proffesoro oo maaddada sharciga ka dhiga Jaamacadda Copenhagen. Aqoonyahannadan ayaa tilmaamay inuu duqa magaallada jebiyay xeerka qodobkiisu yahay 27 ee dhigaya inay arrimahan oo kale ay qarsoodi ahaadaan, maadaama uu mas’uulna yahay ay habboonayd inuu sugo intay dacwada ka dhamaanayso. Hay’ado u dooda xuquuqda caruurta iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Holbæk ayaa booliiska u gudbiyay dacwada ay ku soo oogeen duqa magaallada Jørn Sørensen

 

Sida ay qoreen wargaysyo badan waxay tilmaamayaan in falkan faraxumeynta loo gaystay wiilka soomaaliyeed uu ka danbeeyay mid ka mid ah shaqaalaha ka shaqeeya xanaannada, waxaana loo badinayaa inuu faraxumeynta wiilka ka dhacay musqusha ay isticmaalaan dadka waaweyn ee ka shaqeeya xanaannada Annekset. Booliiska ayaa baaritaanno kala duwan ka sameeyay dhammaan goobihii ay ku tuhmayeen in wiilka lagu faraxumeeyay, waxayna ku arkeen dhiig musqushii loo badinayay in wiilka lagu faraxumeeyay.

 

Shaqaalaha iyo maamulka Xanaannada ayaa caruurta dhigata xanaannada iyo waalidiintoodaba ku wargeliyay in tuugo ay u soo dhaceen xanaannada, sidaas darteedna ay u yimaadeen booliiska. Hase ahaatee, sida uu wargayska Ekstra Bladet daabacay gabar yar oo afar sanno jirtay ayaa kashiftay waxa ay qarinayaan maamulka xanaannada, waxayna ku tiri aabaheed oo ag taagan " waa halkaan meesha wiilka lagu fara xumeeyayâ€.

 

Dhammaan qoysaska soomaaliyeed ayaa arrintaan caro weyn ka muujiyay, waxayna caruurtooda ka reebeen maalinimada jumcada la soo dhaafay xanaanooyinkii ay aadi jireen, iyagoo sidoo kalena dibadbaxyo ay kaga soo horjeedaan falkaan foosha xun ka hor sameeyay xarunta maamulka degmada Holbæk.

 

Waxaa la ogsoon yahay inay falalkan oo kale ay aalaaba ka dhacaan xanaanooyinka ku yaala Denmark, hase ahaatee caruurta soomaaliyeed ee la soo gudboonaatay falalka faraxumeynta ay kor u dhaafayaan dhowr iyo toban, iyagoo intooda badanna aynan u soo shaac bixin dhacdadaan ugu danbeysay oo kale.

 

Si kastaba ha ahaatee, inkastoo ay jiraan wararka sheegaya faraxumeynta wiilka, haddana waxaa hubaal ah inaynan soo dhamaystirmin baaritaannada ay wadaan booliiska, sidoo kalena aanan loo haynin caddeymo 100 % tilmaamaya in wiilka la kufsaday, waxaana maalintii shaleey ahayd ay booliiska waraysteen markii labaad wiilkii soomaaliyeed, iyadoo ayna u badan tahay inay baaritaannadooda qaadan karto muddo dheer.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhowr iyo toban sano ka hor ayuu inoo saadaaliyay shiiq Boqolsoon (alaha u naxariistee) in qorshaha soomaalida laga leeyahay ay tahay in ciyaalkoodana la faraxumeeyo, qaar la gaaleysiiyo, qaarna laga dhigo wax iskuma falayaal daroogada dilatay.

 

Waan ka xumahay runtii, laakiin arintan waa wax aan la baciidsan karin, sababtoo ah gaal wax walba waaka suurtoobaan.

 

Ilaah caruurta Soomaaliyeed nabad iyo badbaado hakaga wado wadamadaan fisqigu buuxdhaafshay, Aamiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Modesty   

Bismillahi Rahmani Raheem! Subhana'Allah. That made me sick to my stomach, and as I saw the toilet where the incidence happened my eyes filled with tears. Allah, gaalo mahaystaan imaan, wa worst than bahal. I pray to Allah for the family of this innocent boy to find this predator. As Somalis, we have to tell our children about predators, we have to tell them how to protect themselves. Why do they need to send kids to daycare, they should be with their children at home. Sending our children to the kafirs this is what we get, our children lose our culture, religion, and worst of all they get moldested, subhana'Allah. These are sick people, and I pray they get their punishment. I wouldn't trust my child with anyone, especially guys.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juxa   

this is indeed very sad news. may allah protect our kids. this is what happens in dhulka gaaleed, if we were in our country our kids wont suffer this way.

 

ciiloow way walahi.

 

ps: is not it universal law, the identity of minors in any crime including sexual assault should be protected? the father should sue the city hall, the police( interfrence with privacy) and the bloody school( duty of care or lack of it in this context) walahi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kashafa   

Juxa,

 

Child Abuse and Molestation takes place everywhere. Even in Islamic countries. Even in Makkah. Even during the Tawaaf. You can't pin a geographical location on sick minds. I've heard stories of systematic child abuse taking place in the Saudi elementary/junior high grades.

 

If I had it my way, The appropriate punishment would involve a blunt rock and a blowtorch. And a free weekend. Human rights be damned.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juxa   

^^^ i know sister, evil is everywhere, but i was referring to the fact, wasaqa waxa sameeyay qoorta lagu dhufanlahaa. being a foreigner, you are at the mercy of their ****** laws.

Share this post


Link to post
Share on other sites

LoL Juxa Kashafa is a brotha :D

 

Subxaanallaah....pedophiles are everywhere... I hope the parents will take the appropriate action and sue the damn school..surely there must be some witnesses... or at least use Parent Associations to start a campaign seeking justice.

 

Cheers

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

The child got raped in a toilet! A damn toilet! The poor child would have overcome this ordeal much quicker had the attack taken place in the honeymoon penthouse in the local Sheraton Hotel.

 

Here is a photo of the ugly scene of the crime.

 

 

kuis2.jpg

 

 

Sad story, shameless sensationalising.

Share this post


Link to post
Share on other sites
-Lily-   

I understand now why God has created eternal hell for some ppl. I'm so sick of these ppl absolving the blame of pure evilness. Everything nowerdays is a mental condition or problem, why can't they just accept evil exists in ppl and it is a very present reality?

 

I pray for the family, I hope somali parents talk to their children about these things so that they can have an open relationship.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kashafa   

The child got raped in a toilet! A damn toilet! The poor child would have overcome this ordeal much quicker had the attack taken place in the honeymoon penthouse in the local Sheraton Hotel.

It's that kinda irreverent sarcasm that gets you in trouble. You wanna comment on what you call "shameless sensationalising", write a damn article on it. Using the boy's plight to get your point across is beyond callous. As the war-cry goes: CEEB, CEEB, CEEB

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nazra   

This is nothing compared to what happened in my town, where a father did his own daughter while high on qaad and alcohol. :eek:

 

Yuk, never marry a man like that. It was tragic; the girl was only 8years old.

You couldn't imagine the familys crisis, the court case, the rumours and now..... he's holidaying in Somaliland.

 

He runaway. What a bast!rd.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this