Suldaanka

Faisal Roobleh dissects the empty 'fake it til you make it' crew

Recommended Posts

Xuska 15ka May & Hadaf La'aanta Maanta

Maanta oo kale waxay ahayd in ereyadii quraxda badnaa iyo nashiidooyinkii SYL la qaado. Hase yeshee waaqici fasaxaya in heesahaas micno sameeyaan la ma joogo.

May 15, 1943 waxa loo ictiraafsanyahay aasaaskii SYL. Hadafka balaadhan ee SYL sadex ayuu ahaa: (1) isku keenka Soomaalida; (2) xoreynta cariga iyo umadda Soomaaliyedd; iyo (3) dawlad u yegleelixa dal mid ah.

Labaa la helay inta kalena dadaal xoogan ayaa loo galay. Waxa dadaalkaasi midho dhilintiisa loo dhowaaday 1977 - waa xiligii uu AUN Max'd S. Barre dhisay dawlada xoogan. Hase yeeshee xoogag shishiiye iyo kale biiq mardambe ku yimid umadda Soomaaliyeed, sababtuna ahyd kaligii talisnimo ka timid dhinaca MW xiligaas, ayaa buriyey guulihii loo dhowaaday.

Intii u dhaxaysay 1980 ilaa 1990, hamigii SYL gidi ahaanba darmada ayaa loo laabay. Dalkii la odhanayey Somali Democratic Republic waa ladlumiyey. Waa la kala gooyey.

Kuwii gacanta shisheeye ku hadhsanaana maskax badal iyo dhalanteed aya lagu keenay, oo waxa la aaminsiiyey wax ay hore u diidanaayeen sida Somali Kenyan, Soomaalida Itoobiya, iyo Republic of Djibouti. Kuwii xataa ku jiray labadii waaxood ee xoroobay waxay isku sheegeen in aanay kuwaasi weli gacanta gumeysiga ku sii hadhay aanay "dalkooda shegan." Xataa waxa jira dhaqdhaqaad ah in dib loo qeexo cida ka mid ah dalka Soomaaliyeed.

In kasta oo fakir ah in Soomaali la kala yeesho aan weli la isku wada raacsanayn, hadana guux xoogan ayaa jira oo adeecsan in Soomaali la kala raro dhulkana la ka la yeesho, Farkirkaasina ka fog hadafkii SYL.

Hadafka SYL dhawr dubbe ayaa isaga dambeeyey:

1. MW Siyaad Barre oo ciidamadii Qaranka Soomaaliyeed ku laayey shacabka Soomaaliyeed, gaarhaan Waqooyi. Ciidankii lagu faani jiray ayaa farha ula tagay haweenkii iyo caruurtii ay badbaadin lahaayeeen.

2. Waxgaradkii SDF, SNM, USC oo ogalaaday in Itoobiya halgankooda gacanta ku qabato. Xataa ragii sida Mustafa Xaaji Nuur oo kale oo talada Axmaarad diidanaa in la faquuqo ayaa timid. (Waxaan Baridhow indin la wadaagi doonaa wareys dheer uu AUN Mustafe bixiyey oo ka hadlayey dib isugu keenka Soomaali iyada oo la adeegsanayo Federaal. Waxa uu warkaas Mustafa bixiyey 1980).

3. Ogolaanshihii la ogolaaday in Axmaaro soo gasho Soomaaliya oo dhib weyn u geystay hadafkii Soomaalinimada. Xiligaas maqaal aan qoray (December 2006) waxaan tilaabasaas ku tilmaamay " u qaawinta Axmaaro Ubucdii Soomaaliyeed," ama letting Ethiopia into the sanctum of Somalia."

5. Weerarkii Itoobiya ku qaaday Soomaaliya 2006 oo kumanaan rux ku dhinteen Muqdisho, iyo 22 ka mid ah Soomaalida ku jirt Baarlamaanka Itoobiya oo u codaysa in Males Zeniwe weeraro Soomaali. Gabadha Canab la yidhaa oo ah Ooridii uu ka geeriyooday AUN Cabdi Majiid Xuseen oo kaliya ayaa codkeedii ku diiday weerarkaas isaga ah.

5. Maamuladii is daba jooga ahaa ee Somaaliya laga dhisay illaa hada gidigood waxay hoos galeen Itoobiya iyo Kenya.

6. Waxa ugu darnaa markii la dhiibay Qalbi Dhagaxboo ONLF la yidhii waa argagixiso. Gidi ahaanba maamulka hada ka jira Villa Soomaaliya waxa uu masalaha dibada ugu tuuray hadafkii lama dhaafaanka ahaa ee SYL.

Itoobiya oo laba jeer Soomaaliya dagaal lagashay sharciyana dal ka haysata in loo dhiibo faddaahi ciidamada Soomaaliya kornel ka ahaa waa arin cadaynaysa in Villa Soomaalia darmada u laabtay hadafkii SYL ee 1943 la dhigtay.

Midnimada umaduhu waxay leeyihiin arimo lama taabtaan ah. Calanka, taariikhda, istaamaha dhaqanka iyo inta salka u ah qowmiyada lama taabtaan weeye. Hase yeeshee Soomaalidu, gaar ahaan elitkeedu, waxay weerar ku qaadeen astaamihii la yagleelay 1943. SYL hadafkeediina weerar ayaa lagu qaaday

Su'aashu waxay tahay ma soo noqo karaan hadafyadii SYL? waa su'aal saaka nin dhalinyaro ahi bogayga ku soo qoray. Jawaabtiina waatan:

Waa suurto gal in hadafkii SYL la soo celiyo. Waxaase ilaa hada inaga maqan dhaqdhaq ku aadan samata bixinta dalka iyo umada Soomaaliyeed, iyo horumoodkii hogaamin lahaa. Kacdoon ama revolution umadeed ma dhasho hadaan la helin dhalin hadaf leh iyo hogaan hankiisu dhaafsanyahay habel badal.

Ila hadeer siyaasada Soomaalidu waa hebel badal iyo rer gaar ah sideed magacooda ugu adeegataa. Waaxaan eedaas leh "waxgaradka hadafkiisu gaabanyahay" ama elite qariban (fiiri maxaal aan 2005 ku daabacay Wardheernes oon ku lafa guray arimaha ay ka gaabiyeen "waxgaradku."

Hadafyadii SYL ee la dayriyey kuma soo noqonayaa sawiro iyo boodhan la ishordhigo oo la xayaysiiyo. Godka lagu riday SYL iyo hadafyadeedii wax kaliya ee godka dheer ee lagu riday ka soo saari kara halgan habaysan oo hadaf waafi ah lagu hogaamiyo.

Fadlan qaybi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Qoraagu waa mahadsanyahay.

Wuxuu u egyahay nin godod badan ka boodaya si uu u salaamo saaxibadiis.

Taariikhda saxdaa waa furaha aad ku kasban karto akhristayaal adigoo caadifad ka fog.

Ama taariikh saxa yaa la qoraa
Ama aragti aqoonyahan oo qanac leh.

Hadiise mala awaal aad run u ekaysiiso wax yar ka dib way iska baabi'.

SYL layskuma hayo inay ahaayeen urur dhalinyaro ah oo qiimo badan, waxay lahaayeen cadaw ku diir iyo diin ah oo shisheeyaha la shaqeeya.

Maamulka villa somalia hada ka jira yaa ugu dhaw wax shabaha uma u eg taariikhdaan soo marnay markaad ka cabir qaadato qabiilaysi iyo qabyaaladii nasoo daashaday.

Waxaa u fiican inuu qoraalkiisa kaydsado wakhtiga ku haboona la sugo aragtidayda.

Iminka waxaa qoraal u baahan killinka 5aad oo uu kasoo jeedo  dhib badana ka jiro.

Taariikhda uu ka been-sheegay waxaa ka mida.

W/galbeed xasuuqbaa ka dhacay 

W/galbeed xasuuq kama dhicin, waa lagu dhex dagaalamay shacabkana dhib wuu gaaray, wayna qaxeen. 

layskama hor boodo dad taariikh ay samaysteen ayagoo og xaqiiqda, balse ku doonaya aqoonsi.

Waa ceeb nin aqoonyahan sheeganaya inuu kursi jaban reero islaameed hor dhigto.

Dagaaladii sokeeye waxaa laga qaxay.  G/kacyo, burco, muqdisho iyo meel kasta, dadku qaylo iyo cod aad u dheer kama qaxin, waxay ka qaxeen xabad.

Tan qalbi dhagax waa laga xaal marin soomaali oo dhan haduu meel ku sheego halgankii ONLF meeshuu ku dambeeyay.

Allahuma Aslax Axwaalnaa Jamiican.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.