Suldaanka

Pirates restart Piracy off the coast of Puntland.

Recommended Posts

XEEBAHA U DHEXEEYA SOOMAALIYA IYO YEMEN

Kooxo Burcad-beed ah, ayaa Axaddii shalay ku guul-darraysay, isku day ay ku doonayeen in ay ku qafaashaan Markab shidaal, kaasi oo marayay xeebaha u dhexeeya Soomaaliya iyo Yemen, sida laga soo xigtay shirkadda markabkaasi leh.

Markabka oo ay leedahay shirkadda Stolt-Nielsen, oo ku gooshayay calanka waddanka Ingiriiska, islamarkaana ka soo shiraacday dekedda magaalada Jubail ee dalka Sacuudi Carabiya, ayaa Burcad-beeddu ku weerartay xeebaha gacanka Cadmeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Yemen.

Laba doonyood oo yar yar, oo ay saaran yihiin lix Burcad-beed ah oo hubaysan, islamarkaana xawaare sare ku socda, ayaa markabka weeraray, inkastoo aysan ku guulaysan in ay qafaashaan, kadib markii ilaalada markabku iska difaaceen sida ay ku warrantay Sky News oo xiganaysa shirkadda Stolt-Nielsen ee markabkaasi leh.

Qoraal ay shirkadd Stolt-Nielsen u dirtay warbaahinta Sky News, ayaa laga soo xigtay in ilaalada markabu ay burburiyeen mid kamid ah doonyihii weerarka soo qaaday,  halka markabka ay waxyeello ka soo gaartay Rasaastii ay Burcad-badeedda, inkastoo aan wax khasaare nafeed ah ka dhalan.

Sidoo kale, Isbahaysiga La-dagaaallanka Burcad-badeedda Xeebaha Soomaaliya, ayaa ka digay in laga cabsi qabo in Burcad-badeeddii Soomaalidu dib isu’ abaabulaan sababo la xiriira dhaqaale yarida ka dhalatay xanuunka COVID-19.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.